Jaamacadda Hargeysa oo lagu qabtay Shirweynaha Caalamiga ah ee daraasaadka Soomaalida

0

Hargeysa (Berberanews)- Xarunta Jaamacadda Hargeysa waxaa ka furmay Shirweynaha Caalamiga ah ee daraasaadka Soomaalida, kaas oo saddexdii sanoba mar la qabto, Madashaasi ayaa 40 sano ka hor waxaa lagu aasasay magaalada muqdisho 1978Kii.

Shirweynahan waxaa ka soo qeybgalay ilaa 150 aqoonyahan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib qaaradaha caalamka ka kala yimid.

In ka badan 60 daraasadood oo ku saabsan taariikhda Soomaalida, dhaqanka, afka, suugnaanta iyo xaaladda siyaasadda ayaa lagu soo bandhigay.