Juventus Iyo Napoli Oo Ciyaar Xiiso Badan Ka Dib Isku Garab Dhacay Garoonka San Paolo.

0

(Berberanews Sports):- Kooxda Juventus ayaa ka timid iyadoo lagu hogaaminayo 3-1, waxaana ay ka dhigeen 3-3 ciyaar xiiso badan oo ay Stadio San Paolo kula ciyaareen kooxda Napoli.

Waxa ay aheyd ciyaar indho qabad leh ilaa dhamaadkii , Napoli ayaa 2-0 ku hogaamineysay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo uga mahadcelineysa goolal ay u kala dhaliyeen Marek Hamsik iyo Goran Pandev, Hamsik ayaa xitaa rigoore ka qasaariyay kooxdiisa daqiiqadii 14aad ee ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaa aad loola ciyaaray qeybtii hore, waxaana ay heysteen kubada iyagoo aan hanjabad u geysan goolka Morgan De Sanctis.

Alessandro Matri ayaa hal gool u soo celiyay seddex daqiiqo markii ay socotay qeybtii danbe, lakiin Pandev ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Napoli oo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Lakiin kooxda Antonio Conte ayaa gareysan waayay in ay u noqoto markaan markii ugu horeysay ee laga badiyo, waxaana goolkoodii labaad u saxeexay Marcelo Estigarribia daqiiqadii 72aad, 7 daqiiqo ka dib Simone Pepe ayaa u barbareeyay kooxda Bianconeri.

Kooxda Juventus ayaa hogaanka ku heysa 26 dhibcood waxaana ay 2 dhibcood ka sareeyaan AC Milan oo ku soo xigta, halka Napoli ay ku jirto kaalinta 6aad waxaana ay leedahay 17 dhibcood.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports