Kabtan Steven Gerrard Oo La Xaqiijiyay In Aanu Ciyaari Doonin Kulanka Axada Ee Manchester City.

0

(Berberanews Sports):- Kabtan Steven Gerrard ayaan weli ka soo kaban dhaawacii uu qancowga ka qabay, waxaana uu seegi doonaa kulanka axada ee ay kooxda Reds la ciyaareyso Manchester City waxaa sidaasi xaqiijiyay tababare Kenny Dalglish.

Tababaraha kooxda Reds ayaa sheegay in aanu wakhti rasmi ah u qaban karin xilliga uu soo laabanayo ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo saftay labo kulan iyo seddex kulan uu bedel ku soo galay xilli ciyaareedkan.

Dalglish ayaa u sheegay suxufiyiinta:  “Sidaan hore u sheegnay, waan ku faraxsanahay horumarka uu sameynayo, waxaana hore u sheegnay inaanan wakhti u qaban karin xilliga uu soo laabanayo, haatana wakhti uma qaban doono”

“Waxaan ku faraxsanahay horumarka uu ka sameynayo soo kabsashadiisa” ayuu yidhi Dalglish.

“Qof walba waa diyaar kulanka Manchester City, marka laga reebo Steven iyo Jack Robinson”.

31 jirkaan ayaa waxaa dilooday dhaawacyo soo laablaabtay, kaasoo u diiday inuu si joogta ah u ciyaaro mudooyinkii u danbeysay.

Liverpool ayaa axada ku soo dhaweyn doonta garoonkeeda Anfield kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Manchester City.

Mustafe Maxamud “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports