Kabtanka Kooxda Liverpool Gerrard oo ka maqnaan doona ciyaarta axadda soo socota kooxdiisa ay iskaga hor iman doonaan kooxda hogaaminaysa horyaalka Premier Leage-ha ee Manchester City

0

Berberanews-25.Nov,2011- Tababaraha kooxda Liverpool Kenny Dalglisha ayaa cadeeyey in Kabtan Gerrard aanu awoodin inuu ciyaaro kulan adag ee kooxdiisa oo maalinta Axada fooda is dari doonaan kooxda hogaaminaysa horyaalka Premier Leage-ha ee Manchester City. Ka dib dhaawacyo kala goyska hoose ee lugtiisa oo dib usoo laba kacleeysay.

 Ciyaaryahankan oo lagula soo deg degay soo gelitaanka garoonka ayaa kaliftay inuu dib ugu laabto dhakhtarka iyadoo la cadeeyey in dhaawacii uu dib usoo cusboonaaday balse haatan uu ku jiro nasasho dheer oo loo qoray.

 

Tababare Kenny ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka uu hada u socdo daweynta Gerrrard wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inaanay mar danbe dhacaynin inuu ku deg dego in Gerrard oo aan caafimaadkiisa dhamaystirnayn inuu garoonka soo galiyo.

 31-jirka ay ku duusho kooxda Liverpool Steven Gerrard  sedex kulan oo kaliya ayuu ciyaaray xili ciyaareedkaan.

 Kooxda Liverpool oo ciyaartii ugu danbaysay ka adkaatay kooxda Chelsea waxy ka maalinta Axada ah hor imaan doonta kooxda Manchester City wuxuuna tababarahaani ku faanay inuu iskoorka guuldaro la’aanta ka jabin doono uuna dhagaha ka garaaci doono kooxdaani loo taag la’yahay.