Berbera News | Daily News Update

Kenya Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Aqoonsanayso Madaxbannaanida Somaliland

Nairobi, -(Berberanews)- Dawladda Kenya, ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday inay taageerayso aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho bulshada caalamka.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Debeda ee Dalka Kenya Richard Onyonka, ayaa sheegay in Nairobi taageerayso madaxbannaanida Somaliland, isagoo intaa ku daray in dawladiisu wadamada Afria ku dhiirigelinayso inay si buuxda u aqoonsadaan Somaliland. Sidaana waxa laga sii daayay Telefiishanka Press

kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Debeda Kenya Richard Onyonka waxa uu hadalkan aga dhawaaqay mar uu la hadlayay jaaliyadda reer Somaliland ee u dhaqan Nairobi oo xus ballaadhan u sammeeyay sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland si iskeeda uga go’day dawladii Somalia.
Hadalka ka soo yeedhay Richard, ayaa u muuqda mid wax weyn ka bedeli doona aragtida beesha caalamku ka qabtay Somaliland, islamarkaana soo dedejisa inay dalal badani ku dhiiradaan sidii Somaliland loogu aqoonsan lahaa qaran madaxbannaan.

Maxamed Saalax, oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee ka hadlay xuska ka dhacay Nairobi, ayaa sheegay inay Somaliland u qalanto aqoonsi, maadaama ay muddo badan ku naaloonaysay nabadgelyo buuxda.

“Waxaannu ka shaqeynay inaan nabad ka dhex samaysano deegaan xaaladiisu xuntahay, taasina waa inay bulshada caalamka ku cadaadisaa inay noo aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale,” ayuu yidhi Maxamed Saalax.

Berberanews.com
Email, info@berberanews.com amma editor@berberanews.com

Leave a Reply