Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay xaafad isku rarana oo ka mid ah Hargeysa

0

Hargeysa (Berberanews) Saaka wuxuu dab ka kacay barakaca xaafada isku raranta ah ee Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dabdamiska, Booliska ee degmada Axmed Macalin Haaruun, ayaa si wada jira uga qayb qaatay daminta dabkaasi, kuna guuleystay inay bakhtiyaan.

Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkani, iyo sababta dhalisay.

Maaha dabkii koowaad ee sidan oo kale uga kaca xaagdani laguna guuleysto balhtiintiisa.