Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Madaxda U Sarraysa Xisbiga UCID Oo Gaadhay Heer Warbaahinta Laysu Addeegsaday

0

Hargeysa-(Berberanews)- Khilaaf hor leh, ayaa a dhex qarxay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-warabe iyo Gudida Fulinta xisbigaas oo ka dhashay Qoraal dheer oo Eng. Faysal  ka soo saaray waddanka, kaasoo uu aga hadlay arrimmo badan oo ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Silaanyo iyom wax ka beddel uu sheegay inay ku samaynayaan dastuurka xisbiga UCID.

 

Gudida Fulinta ee Xisbiga UCID oo shir deg deg ah oo ay maanta ku yeesheen xafiiskooda Hargeysa waxay u naqdiyeen qoraalka uu soo saaray Guddoomiyahoodu, waxaanay ka soo saareen qodobo dhawr  ah.

 

 

Warsaxaafadeed uu ku saxeexanyahay Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ahna Afahayeenka Xisbiga Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare ), ayaa lagu faahfaahiyay nuxurka ka soo baxay kulanka ay yeesheen, waxaannu u qornaa sidan;

“Ka dib markii aanu aragnay akhrinayna maqaalka cinwaankiisu ahaa xageebaynu joognaa ee uu qoray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ee lagu baahiyay jaraa’idka iyo Website-yada markii ay ka doodeen, falaqeeyeena nuxurka uu xambaarsanyahay qoraalkaas, waxay isla qaateen qodobadan soo socda :-

1. Qaraalkaas iyo nuxurkiisku ma’aha go’aan Xisbiga ka soo baxay ee waa afkaar u gaar ah Gudoomiye Faysal.

2.      Qoraalkani waxa uu soo baxay wakhti aan ku haboonayn oo loo dabaal-degayey 20-tan guuradii gooni isu taaga Somaliland, hal ku dhagna looga dhigay Somaliland ha la ictiraafo iyadoo la isku duubanyahay.

3. Qodobka kala saarida Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga waa talo gudoomiyuhu soo jeediyey hasa yeeshe Xisbiga ayey u taalaa.”

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com