Khubaro Maraykan Ah Oo Sheegay In Saldhigyo Geeska Afrika Ku Yaala Oo Berbera Ka Mid Tahay Loogu Adeegayo Damaca Imaraadka

0

(Berbera news) Laba Khabiir oo u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Alexandre Mello Iyo Michael Knights, ayaa Falanqayn ku sameeyay Saldhigyo Geeska Afrika ku yaalla oo loogu Adeegayo damacyada ilaalinta awoodda dalka Imaaraadka Carabta iyaga oo xusay saldhigga Berbera.

Haddaba halkan hoose ka akhri warbixinta oo uu soo turjumay Ibraahim Hawd

Ilaa maalintii uu soo baxay warka sheegaya in Berbera la dajinayo dalka Imaaraadka Carabta oo ka dhiganaya saldhig ciidan, xogta u gu faahfaahsan ee masaladaa la ga qoray waa warbixintan aynnu maalin dhowayd afafka qalaad ku aragnay, taas oo aan intii muhiimka ahayd halkan ku soomaaliyeeyay.

Warbixintan kolka aynnu akhrino qodobbo dhawr ah oo u fiirsasho u baahan baan hadalka ku soo xidhi doonaa.

Haddaba, labadaa nin ee magacoodu kor ku xusan yahay wax ay faafiyeen warbixin qalindaraale ah oo soo baxday 2 Sebtember 2016. Wax ay si mug leh u ga sheekeeyeen dhaqdhaqaaqa uu dalka yar ee Imaaraadka Carabtu ka wado Dunida Islaamka, gaar ahaan Galbeedka Badda Cas ilaa Galbeedka Badweynta Hindiya (Gayiga Soomaalida iyo dhulalka ku ogog leh). Qoraalku u gu horreyn wax uu ina xusuusinayaa sida ay u dhow dahay taariikhda dawladeed ee dalkaa yar taas oo ku beegan 1971 kolkii Ingiriisku dhulkaa ka kacay. 46 sannadood ka dib maanta dalkaasi wax uu si xooggan oo joogto ah u danaynayaa in uu awooddiisa ciidan ka muujiyo Galbeedka Marinka Suweys. Arrimo badan oo gayiga Carbeed ku soo kordhay, oo ay ka mid yihiin Kacdoonkii Guga Carbeed, kalsoonida Eeraan ee sii kordhaysa ee cunaqabatayntii hubka ka baxsatay, awoodda koraysa ee Dawladda Islaamka (Daacish), wax ay madaxda Imaaraadka ku xoojiyeen in ay lamahuraan tahay hawlgelinta iyo xoojinta dadaal ay ka ga gaashaamanayaan halista dawladdooda ku soo fool leh. Taas baa dawladdaa yar beryahan dambe ku riixday markii kowaad taariikhdeeda in ay dhisato saldhig millateri oo ka baxsan Jasiiradda Carabta, oo ah Dekedda Casab ee Ereteriya, halkaas oo dhismihiisu dhammaaday 2015, oo lamadegaankii qallalnaa u beddelay saldhig ciidanka cirka ah oo casri ah, deked gun dheer iyo xarun tababar ciidan.

Arrinta xiisaha lihi wax ay tahay, dalkaa yari ilaa sannadihii 80-nadii iyo 90-nadii wax uu ka qayb qaatay hawlgallo badan oo dagaal iyo nabad ilaalineed oo debedda ah, sida Lubnaan, Soomaaliya, Koosofo, Yaman iyo Afgaanistaan.

Kacdoonkii Carbeed ee sannadkii 2011 Imaaraadku iyaga oo kaashanaya Sacuudiga wax ay ciidammadooda u direen dalka Baxreyn si ay xasillooni u gu soo celiyaan. Beryahaa Imaaraadku iyaga oo cabbudhinaya kacdoonkii Ikhwaan Muslimiinka ee dalkooda ka kacay, isla jeerkaa wax ay faragelin ciidan ku sameeyeen dalka Liibiya si ay u taageeraan dagaalyahannadii isirraaca, kuwii qabiilooyinka iyo kuwii xagjirka islaamiyiinta ee Qaddaafi ku wada kacay.

Hadhowna wax ay la sii dagaallameen Jabhaddii Fajar ee ahayd xagjirka diineed taas oo Daraabulis isku urursatay. Imaaraadku waa ay soo dhowaysay afgembigii Ikhwaanka la gu riday ee Masar ka dhacay sannadkii 2013, intii ka dambaysayna wax ay ku dadaashay in ay xoojiso xidhiidhkeeda ciidan ee Masar, oo ay ka mid tahay weerarro wadajir ah oo cirka ah oo ay iyada iyo Masar ku wada qaadeen gudaha Liibiya, tababarro ciidanka badda ah, Masar oo Imaaraadku siiyay dayuuradaha fallaagada la gu la diriro ee loo yaqaan IOMAX AT-802U kuwaas oo ay Masar ku la dagaallantay Dawladda Islaamka ee gobolka Siinaay.

Warbixintu wax ay ciwaan hoosaad qormadeedan ka mid ah ku dheeraatay ka sheekaynta saldhigga ciidan ee Imaaraadku ku yeeshay Ereteriya iyo arrimo la xidhiidha, iyo isla markaa sida uu Imaaraadku ku waayay in uu Jabbuuti saldhig kaa la mid ah ka helo.

Imaaraadku wax ay u jeesteen dhankaa iyo Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya. Taa waxaa xoojiyay go’aankoodii faragelinta Yaman ee ay bilaabeen markii ay kooxo fallaago ah oo Xuutiyiin ahi rideen madaxweynihii Yamaneed ee Cabdirabboh Mansuur Haadi, halkaas oo Haadi dawladaha Gacanka u habarwacday in ay faragelin dagaal la soo gaadhaan. Bilawgii Imaaraadka iyo Sacuudigu Jabbuuti ayay isku fillaysiinayeen faragelinta Yaman, hayeeshee si kale ayay wax noqdeen. Bishii Abril 2015 muran dhex maray taliyaha ciidanka cirka Jabbuuti iyo diblomaasiyiin Imaaraad ah ayaa qarribay xidhiidhkii labada dal, taas oo ka dhalatay mid ka mid ah dayuuradihii dagaalka ee Imaaraadka oo oggolaansho la’aan iska soo fadhiisatay Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Jabbuuti iyada oo ka soo noqtay duullaan ay Yaman ku soo duqaysay. Murankaasi wax uu gaadhay in gacan la isu la tago, ilaa kuxigeenkii qunsulka Imaaraadka ee Jabbuuti Cali Shixi la feedhay, taasina ay keentay in xidhiidhkii labada dal xumaado. Mashaqadaasi wax ay ku sii biirtay khilaaf hore oo muddo dheer soo jiray oo labada dal ka ga dhexeeyay haamaha (Kontaynarrada) dekedda Dooraale oo ah ta u gu weyn ee kontaynarrada ee Afrika oo ay maamusho Shirkadda Dekedaha Dubey oo u shaqaysa Xarumaha Badaha ee Imaaraadka saldhiggeeduna yahay magaalada Dubey, oo loo arko in ay ka mid tahay kuwa u gu waaweyn awoodaha debecsan [xidhiidhada aan hubaysnayn] ee Imaaraadka. Sidaas buu xidhiidhka labada dal ku go’ay bishii Meey 2015, sidaas bayna Jabbuuti dalkeeda ka ga saartay dhammaan ciiddammadii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee kirada ku degganaa xaruntii hore ee ciidammada Faransiiska.

Ha ahaatee Sacuudiga iyo Imaaraadku beddelkii Jabbuuti in ay helaan ku ma ay adkaan oo wax ay u wareegeen Ereteriya oo dekedu ku leh Badda Cas. Isla maalintii ay Jabbuuti caydhisayba, boqorka Sacuudiga iyo madaxweynaha Ereteriya wax ay isla qaateen iskaashi ciidan iyo nabadgelyo oo dalalku Gacanka Carabtu ku heleen saldhig ciidan. Sidaas bay Ereteriya ka ga heleen guul degdeg ah oo ay wax ka ga qaban karaan halista Xuutiga Yaman.

Ciwaan hoosaad kale oo warbixinta ka mid ahi waa dhismaha Dekedda Casab. Imaaraadku soddon sannadood ayay kiraysteen saldhig ciidan oo ay Casab ka dhistaan deked mug weyn iyo gegi dayuuradeed oo qaadi kara dayuuradaha aadka u waaweyn. Taa beddelkeeda Ereteriya waxaa loo ballanqaaday taageero dhaqaale, cusboonaynta Gegida Dayuuradaha Asmara, dhismaha kaabayaal cusub iyo caawimo shidaal. Hawlaha dhismaha saldhigga Casab wax uu u dhacay si degdeg ah tayna leh, wax yar ka dibna waxaa suurowday Imaaraadku in ay adeegsadaan, halkaas oo judhiiba dagaalka Yamaneed la ga galay, bad, cir, saad iyo kaydba, taas oo guulo waaweyn siisay Cabdirabboh Mansuur Haadi. Malleeshiyooyin Yaman ka dagaallama ayaa halkaa la gu tababaray, ilaa Soodaan ayaana ciidammo la ga soo daabbulay. Xarumaha ciidan ee Ereteriya xulafada Gacanku wax ay kale oo u adeegsadeen la dagaallanka al-Qaacidada Jasiiradda Carabta. Hawlahan oo dhan dhakhsahooda iyo hawlgalladoodu wax ay noqdeen arrin cajab leh. Imaaraadku saldhigyo kuwii hore ku dhow ayay xeebaha Casab ka sameeyeen, gegidii dayuuradahana waa ay sii ballaadhiyeen.

Ciwaan kale oo warbixinta ahi wax uu sheegayaa, raadka Imaaraadka ee Geeska Afrika in uu sii durkayo. Sacuudiga iyo Imaaraadku in kasta oo ay gaashaanbuur yihiin haddana tartan arrimahan ku saabsan baa u hooseeya. Sacuudigu wax ay awoodda saaraan la dagaallanka Xuutiga Waqooyiga Yamaneed, halka qolada kale xoogga saaraan al-Qaacidada Koonfurta Yamaneed. Tabtaas oo kale, tartankoodu wax uu ka muuqdaa Geeska Afrika. Isla sannadkii 2015 Sacuudigu wax ay dajiyeen cadhadii Jabbuutiyaanka, mar kale ayayna ka heleen gegedii dayuuradaha, taas oo ay reer Jabbuuti ku beddesheen caawimo hubeed oo bad, berri iyo cirba leh. Sannadkii 2016 [warbixinta ayaa markaa la qoray] waxaa Sacuudiga iyo Jabbuuti u socda wadahadal gun iyo baar ah oo ay Sacuudigu ku doonayaan heshiis nabadgelyo oo ay ay ka mid tahay asaasidda saldhig ciidan oo muddo aad u dheer jiri doona. Imaaraadkuna tubtaas ayay u mareen helista saldhigyo waaweyn oo ku dhereran Xeebaha Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya. Danaha Imaaraadka Bariga Afrika u ga hillaacaya waxaa ka mid ah gaaska, dekedaha iyo cuntada. Si ay dantaa u gaadho wax ay noqotay in ay dalal Bariga Afrika ah la yeelato iskaashi nabadgelyo oo la gu xasilinayo dhulalkaas, isla markaa la gu joojinayo taranka kooxaha islaamiga ah ee gobolka. Soomaaliya ayaa ah tusaalaha u gu weyn arrintaa.

La ga soo bilaabo bishii Meey 2015 Imaaraadku wax ay kordhiyeen iskaashiga ay Soomaaliya la lee yihiin ee tababarka iyo qalabaynta ciidanka la dagaallanka argagixisada iyo hay’adda amniga iyo sirdoonka, iyada oo Muqdisho la ga furay xarun cusub oo tababarrada ah taas oo Imaaraadku maalgeliyay ayna xubno ciidammada gaarka ah ee Imaaraadka ahi ka la qaybqaateen ciidanka Soomajeestaha Soomaaliyeed. Dabayaaqadii bishii Meey 2015 Imaaraadku maamulkii kumeelgaadhka ahaa ee Jubba ee magaalada Kismaayo wax ay ku qalabeeyeen gaadiidka gaashaaman ee aanay miinadu karin ee noociisu yahay RG-31 Mk. V. iyo baabuurro Laandkuruusar ah. Bishii taa xigtay waxaa loo gu daray gaadiidka gaashaaman ee ciidammada qaada oo noocoodu yahay Reva Mk. III, gaadiid biyaha dhaamiya iyo mootooyinka bilayska oo dawladda Fadaraalka la siiyay. Oktoobar 2015 dawladda Imaaraadku wax ay ballanqaadday in ay muddo afar sannadood ah bixin doonto mushaharka ciidammada nabadgelyada ee Dawladda Fadaraalka.

Isla markaa Dawladda Imaaraadku wax ay gacaltooyo u muujisay Soomaalilaand-ta madaxa bannaan oo tartan ku la jirta qoladaa hore. Bishii Meey 2015 Shirkadda Caalamiga ah ee Dekedaha Dubey wax ay ku guulaysatay in ay muddo soddon sannadood ah maamusho Dekedda Berbera iyo in ay meeshaa ballaadhiso si ay u noqoto xarun goboleed loogistikada ah, taas oo jebin doonta kootada ay Jabbuuti ku haysato badeecadaha Xabashida, taas oo ku suuroobaysa iskaashiga horumarinta Marinka Berbera oo ah waddo loogisti oo isku xidhaysa Soomaalilaand iyo Xabashida. Waxaa la hadalhayaa [2015] Imaaraadku in ay u socdaan in ay Berbera ka dhigtaan gegi dayuuradeed oo ay Yaman ka weeraraan, wax ayna Soomaalilaand siin doonaan caawimo dhaqaale, wax ayna kale oo Berbera ka dhisayaan xarun tababar ciidan.

Ismaamulka Butlaand isagana Imaaraadku wax ay u maalgelisay ciidanka ilaalada xeebaha oo la abuuray 2010 si loo gu la dagaallamo budhcad badeedda, hawshaas oo waxoogaa muran ah dhalisay. Ciidanka ilaalada xeebuhu wax ay imika haystaan saddex dayuuradood oo noocoodu yahay Trush S2R iyo mid helukabtar ah oo nooceedu yahay Alouette III oo ay dhammaantood Imaaraadku ku deeqeen. Wax ay kale oo Imaaraadku maalgeliyeen hay’adda sirdoonka Butlaand iyo tababarka ciidankaas. Soomaalilaand iyo Butlaand labadaba dadaalka Imaaraadku waa uu midho dhalay, waayo dekedaha caanka ah sida Boosaaso iyo Berbera waxaa la ga xidhay socodka badeecadaha Eeraan si loo ga hortago hub Xuutigu helaan.

Ciwaan hoosaad kale labada nin wax ay isku wayddiiyeen: Imaaraadku ma joogaan goortii ay guran lahaayeen midhihii dadaalkooda Galbeedka Qoorriga Suweys? Horumarinta xidhiidhkooda Masar iyo Soodaan ka dib, oo uu garab socdo saldhigga ciidan ee Ereteriya, wax ay Imaaraadka muddo dheer siinaysaa in uu hormuud ka ahaado ilaalinta marinnada Suweys iyo Baab Mandab. Wax ay u muuqataa Imaaraadku in uu yahay awood ka soo dhex mudhay Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo mandiqadda Galbeedka Badweynta Hindiya. Taa wax ay ku helaysaa isku milista awoodda hubaysan iyo ta debecsan [dagaalka iyo deeqda].

Raandhiiska waxaas oo dadaal ah la ga filayaa waa xoogaysiga mowqifka Imaaraadka ee caabbinta Eeraan. Faragelintii Yamaneed si dadban wax ay u ahayd iska celin ay dalalka Gacanku ku la jireen Eeraan, taas oo ahayd joojinta taageerada Eeraan ee Xuutiga iyo ku faafinta awooddeeda Yaman.

Alexandre Mello waa falanqeeyaha kowaad ee hay’adda Horizon Client Access oo ah hay’ad la talisa shirkadaha hormuudka ka ah shidaalka dunida. Michael Knights Wax uu ka hawlgalaa mac’hadka Washington, wax uu ka soo shaqeeyay dalalka Gacanka Carabta iyo Yaman oo uu lataliye u ga ahaa ciidammada nabadgelyada gobolka, wax uuna kale oo faaqidaa loollannada gobolka, sida dagaallada Yaman ee Xuutiga iyo al-Qaacidada Jasiiradda Carabta.

Haddii ay warbixintu sidaa inoogu warrantay, qodobbadan ayaa u fiirsasho innooga baahan:

1) In labada qoraa ee warbixintani yihiin muwaaddiniin Maraykan ah oo ka shaqeeya dano xidhiidh adag la leh waxa ay halkan ka ga hadlayaan.

2) In ay jirto cid ay u shaqeeyaan, ayna suuragal tahay warkooda in ay maslaxaddaa ku salaynayaan oo ku hirgelinayaan.

3) In warbixinnada caynkan ahi sidoodaba ka mid yihiin xeeladaha nafsiga ah ee fahanka dadka la gu saameeyo.

4) In aanay warbixintu mar qudha soo hadalqaadin waxan Imaaraadku wado kaalin iyo dan dawlad weyni ku oggoshahay ama ku diiddan tahay, ama wax ay dawlad weyni ka yeeshay mar uun.

5) In aanay suuragal ahayn Imaaraadku keligood in ay yeeshaan waxan oo damac, qar-iska-tuurnimo iyo dhiirrasho ah taas oo aanay tabartooda qarameed qaadi karin.

6) In Jabbuuti xidhiidhkoodu fashilmo, isla markaa Ereteriya heshiiskoodu tooso, in ay ina tusayso cid saddeexaad oo dahsoon oo meesha ku jirta.

7) In ciddaa saddexaad tahay cid Imaaraadku u baahan yahay oo ku xidhan yahay oo ka haybaysto oo ilaalisa isaguna danaheeda ka ga shaqeeyo magac muslin iyo magac carbeed iyo magac dal yar oo lacag leh.

8) In toddobadaa qodob ku midoobayaan aragtida dagaalka hubaysan ee la gu la jiro islaamiga, dagaalkaas oo xeeladdiisa u gu waxtarsani tahay in dawlad muslin ah oo weliba yar oo aan bulshooyinka muslinku ka didayn la dirto.

9) In ay labada nin qireen dagaalka Imaaraadku in uu yahay dagaal awrkiraale (dagaal cid kale loo ga wakiil yahay).

10) In ay tahay saldhigga ciidan ee aynnu Imaaraadka Berbera ka siinaynno in aynnu u aragno masalo aayatiin, oo aynnu garasho iyo aqoon oo dhan ku daraasaynno inta aynnaan diidin ama yeelin.

11) In halka ay maanta garashadeenna iyo aqoonteennu ina dhigaan uu Alle innagu xukumay, ubadkeenna iyo ubadkoodana berri iyo saadambe Alle ku xukumay.

Falanqayntii: Alexandre Mello Iyo Michael Knights

Waxa Turjumay Ibraahim Hawd