Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo muddeeyay wakhtiga diiwaangelintii Codbixiyayaasha ee xukuummadda Silaanyo Laashay

0

Hargeysa(Berberanews):- Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa shaaciyey inay bilawga bisha koowaad ee sannadka 2014-ka bilaabayaan wacyi-gelinta diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka oo bisha afraad ee sannadka dambe loo asteeyay inay dalka ka bilaabanto.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiska Guddiga ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ay tartan u galeen shan shirkadood oo ajaanib ah, isla markaana ay ku guuleysatay Shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka.

Halkan ka dhegayso