Komishanka oo agabkii doorashooyinka u kala diray Gobollada iyo Degmooyinka

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa qaar ka tirsan degmooyinka gobollada Fogfog Shalay u kala diray Gaadiid Sida Waraaqaha Cod-bixinta iyo Agabka lagaga hawlgalayo goobaha doorashada Madaxtooyada ee loo dareeri doono 13-ka bishan 11-aad ee aynu ku jirno sannadkan 2017-ka.

Gaadiidka shalay Guddiga doorashooyinku ku rareen Waraaqaha Cod-bixinta iyo Qalabka kale ee goobaha doorashada lagaga hawlgeli doono, ayaa ahaa Agabka Toddoba degmo oo ka kala tirsan doorasho ahaan, gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan iyo Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse, ayaa Muuqaal laga duubay markii Xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa Gaadiidkaas Alaabta laga saaray, waxay faahfaahin kaga bixiyeen Agabkaas iyo degmooyinka la geynayo.

Haddaba, Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Faahfaahinaya Nooca Agabka ay Maanta Rareen iyo gobollada iyo deegaannada la geynaya-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-