Berbera News | Daily News Update

Koonfur Africa:19 qof oo ku dhintay shil tareen iyo gaadhi.

Capetown-(Berberanews)-Ciidamada Booliiska ee gobolka bari ee waddanka Koonfur Afrika, Mpumalanga ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen shil ka dhashay isku-dhac  gaadhiweyn iyo tareen kuwa xamuulka qaada ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska, Joseph Mabusa ayaa sheegay in tareen kuwa dhuxusha qaada uu ku dhacay baabuur ka gudbayay jidka tareenka uu isticmaalo meel u dhaw magaalo yar oo la yidhaahdo Hectorspruit ee dalka Koonfur Africa.

 

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in goobta shilku ka dhacay ay ahayd mid aad u fool xun oo laga naxo, iyada oo la arkayay meydadka dad madaxu ka go’ay iyo qaar lugaha iyo gacmahau ka go’een.

Baabuurka tareenku ku dhacay ayaa waxa saarnaa oo ka buuxay shaqaale beeraley ah, iyadoo uu tareenku markii uu ku dhacay uu qaaday baabuurka masaafo dhan ilaa 200 mitir.

Shaqaalaha caafimaadka oo goobta tagay ayaa sheegay in in ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen, oo qaarkood ay aad u liitaan.

Berberanews.com

info@berberanews.com