Kooxaha Chelsea Iyo Arsenal Oo Ku Dagaalami Doona Saxeexa Wiilka Da,yar U Ciyaara PSG

0

Waxaa soobaxay xalay warar sheegaya in kooxaha kawada dhisan London ee Arsenal iyo Chelsea ay ku dagaalami doonaan saxeexa da,yar u ciyaara kooxda PSG ee dalka France.

The Sun ayaa shaaca ka qaaday in kooxahan ay doonayaan laacibkan da,yar kaa ee dhala shadiisu tahay France oo lagu maga caabo Adrien Rabiot  iyadoo koox kasta ay isku dayi doonto inay lasoo wareegto maadaama aanu boos joogto ah kahaysan kooxda lacagta badan ee PSG.

Adrien-Rabiot-400x300

 

 

18 jir kan ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxda Man City ee dalka ingiriiska 2008 wuxuuna ku biiray kooxda PSG 2010, Carlo Ancelotti ayaa kusoo daray kooxda koowaad ee PSG xili ciyaareedkiii hore ee 2012/2013 kadib markii uu kasoo dhex muuqday kooxda yar yarka ee PSG.