Kooxda Arsenal oo £60 Milyan ku dooneysa inay isaga iibiso Fabregas

0

Kooxda Arsenal ayaa soo bandhigtay qiimaha ay ku doonayaan inay kama dambeys ku iibiyaan Kabtankooda reer Spain ee Cesc Fabregas, waxaana qiimahaasi uu gaadhayaa £60 Milyan oo lacagta Ingiriiska. Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Winger oo wareysi siiyay Wargeyska The Daily Star ayaa ka dhawaajiyay in Kabtanka kooxdooda aanu si fudud uga baxeynin kooxda, marka laga reebo kooxdii lacagtaasi ku iibsata.Kooxda Barcelona ee wadanka Spain oo baadi goob horay ugu jirtay Kabtan Cesc, balse horay u sheegtay in aanay lacag badan ka bixin doonin ayaa ku hanweyn in mar uun ciyaariyahankaasi uu u safto Kooxdaasi.Barcelona ayaa kaga faa’iideysaneysa niyad jab ballaadhan oo heysta Ciyaariyanka reer Spain ee Fabregas, taas oo ah kaddib markii kooxdiisa Arsenal mudo lix sano ah wax koob aanay qaadin.

Mustafe Maxamuud “kastam”

shaafici_3@hotmail.com