Kooxda Bayern Munich Oo U Hanqal Taagaysa Samir Nasri

0

kooxda kubadda cagta ee Bayern Munich ayaa malaayiin gini dul digtay helista laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Samir Nasri.Bayern Munich mas’uuliyiin u hadlay ayaa sheegay inay doonayanaan saxeexa Nasri, iyagoo ku qiimeeyay adduun lacageed  gaadhaya £30 milyan oo gini.Kooxda Arsenal ee uu u ciyaaro xiddigaas ayaa horay u sheegtay in ciyaaryahanka uu ka gaabsaday inuu kooxda u saxeexo heshiis cusub, kaddib markii laysku maan dhaafay ina lacagta uu toddobaadkiiba ka qaato kooxda Arsenal loo kordhiyo.Samir Nasri ayaa la sheegay inuu aad ugu niyad jabay, kaddib markii kooxda ay xagaagan ku guul dareysatay inay ku guulaysato wax koobab ah.Kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub ayaa eegayay muranka xiddiga iyo kooxda halka uu ku danbaynayo kooxda Bayern Munich ayaa noqonaysa kooxo dhowr ah oo doonaya soo xero galinta Samir Nasri.Sikastaba, lama saadaalin karo halka uu sal dhigan doono mustaqbalka Samir Nasri.

Mustafe Maxamuud Diiriye “Kastam”

shaafici_3@hotmail.com