“KULMIYE Waxa uu Leenahay maanta Hogaamiye cusub Iyo murashax waayo Arag”Wasiirka Madaxtooyada

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa beeniyay inuu loollan ugu jiro jagada Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, islamarkaana aanu jirin wax khilaaf ah oo xisbigaas ka taagani.

Wasiir Xaashi oo ka hadlay Hadhimo-sharafeed lagu dardargelinayey hawlaha xisbigaee cuddudda haween-weynaha KULMIYE oo maanta lagu qabtay Madaxtooyada, ayaa isaguna mahadnaqa haweenka iyo ku guubaabinta dardargelinta hawlaha xisbiga kusoo foolka leh  “ Farxad weyn ayey ii tahay maanta in haween waynahay xisbiga Kulmiye oo mudan mahad celin, iyo bogaadin aan ku marti qaado munaasibada xafladan, ujeedada iyo dulucdu ma laba labaysna, waa mid qudha waxay daaran tahay mahad celin iyo bogaadin haweenka hadaa tihiin hawlaha xisbiga kaalinta muuqata ee aad kaga jirtaan, waxa kale oo ay daaran tahay guubaabo iyo dardar galin hawlaha xisbiga maadaama oo aad tihiin udub dhexaadkii xisbiga Kulmiye,

“Waxaan leeyahay Kulmiye waa xisbi khilaafkiisii dhameeyey maanta meel wax u wada wada, waxaan meela ka maqlayaa jabaq ah khilaaf iyo dagaalbaa Kulmiye ka dhex socda, waxa laysku hayaa Gudoomiyihii xisbiga, waxa isku haya Maxamuud Xaashi, Maxamed Kaahin iyo rag kale, waxaan cadaynayaa oo far waaweyn ku dhigaynaa maanta Kulmiye hal loolan ayuu ku jiraa, loolan labaad kuma jiro. Kulmiye wuxuu ku jiraa loolanka siduu u heli lahaa talada hogaanka dalka mar labaad, waxa aynu dhamaanteen dhisaynaa Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan-Saylici, loolan labaad oo dhexdeena ka jiraa ma jiro, anniga iyo Maxamed Kaahin waxaanu nahay laba nin oo saaxiib ah, isagguna waa Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye aniguna waxaan ahay Wasiirkii Madaxtooyada labadayaduna waxaanu fadhinaa kaalin adag oo la yidhaa biyo culusta.” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

“Biyo culusta dadka qaar ayaan aqoone, marka geella la waraabinayo, waxa meesha dag ee wadaanta la dhigaa nin adag oo madaale ah, halkaas ayaanu labadayadu fadhinaa, waxaanu nahay kuwa hadii muuse dhismana ay saamayntooda weyn ku yeelanaya, hadii Alle naguma keenee ay nagu soo dhacdo wadaantu taariikhdu kuway xusi doonto, Ragg ceel wadaan ka wada dawlinaya oo wadaan wada jiidayaa hadaanay si wacan jiibta iyo jaanta isula helin, oo midba ka kale qardabo oo ay is riixaan ma guulaystaan. Anniga iyo Maxamed Kaahin waxaanu nahay raga wadaanta wada jiidaya, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye-na maanta tartan kama jiro, dee gudoomiyaheenii waaka halkaa fadhiya, oo waa Muuse Biixi, waxaan leenahay waxa dacaayadahaas iyo maaweelooyinkaas wada dad xisbiga Kulmiye doonaya inay cudur dhex galiyaan, waxaan leenahay reer Kulmiye dacaayadaas iyo cudurkaas iska ilaaliya, Ilahay ayeynu ka magan galnay” ayuu yidhi wasiir Xaashi.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Khudbadii Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.