Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi oo rasaas is weydaarsaday

0

Dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa rasaas isku weydaarsaday goobta militariga ka caagan ee xudduuda labada dal.

Rasaas ay soo rideen ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhacday goob ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada xudduuda Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa ay is rasaaseyntani ka dhacday magaalada xudduuda ku taalla ee Cheorwon, sida ay sheegeen militariga Kuuriyada Koonfureed.

Ma jirto wax khasaaro ah oo laga soo sheegay dhanka Kuuriyada Konfureed.

Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ay rasaas uga timid dhanka Kuuriyada Waqooyiga waxay dhankooda ku jawaabeen rasaas iyo digniin, sida lagu sheegay bayaanka militariga.

Ma cadda ilaa iyo imika waxaa dhaliyay rasaasta sida la sheegay ay soo rideen ciidamada Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay sheegeen in xiriir ay la sameyn doonaan militariga Kuuriyada Waqooyi si loo ogaado waxa dhaliyay dhacdadan ka dhacday xudduuda labada dal.

Waaa markii ugu horeysay muddo 5 sano ah oo ay ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay rasaas toos ugu soo ridaan dhanka Kuuriyada Koonfureed.

Goobta militariga ka caagan ayaa la sameeyay ka dib dagaalkii Kuuriya 1953 si loo abuuro goob ammaan ah oo labada dhinac u dhaxeysa.

Labadii sano ee ugu dambeysay dowladda Seoul ayaa isku dayaysay in xudduuda ay noqoto goob ammaan ah.

In hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac u dhaxeysa ayaa ka mid ahayd heshii ay bishii September 2018 ay magaalada Pyongyang ku gaareen hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Rasaasta ay labada dhinac is waydaarsadeen ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii Kim Jong-un lagu arkay goob fagaara ah ka dib markii uu saaxadda ka maqnaa muddo saddex toddobaad, taasi oo dhalisay shaki ah in uu xanuunsanayo.

Xigasho Bbc Somali