La-taliyaha Madaxweynaha Ee Doorashooyinka Oo Qaadacay Go’aan Madaxweyne Siilaanyo Mus-danbeed Ugu Samaynayo Guddida Doorashooyinka.

0

(Berbera news) La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa horjeestay guddida mus-danbeed ah ee uu madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu u samaynayo guddiga doorashada.

Cabdillaahi Jawaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, isaga oo arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi “Anigu xog ogaal uma ihi ee Madaxweynaha weydiiya, sidaa aad u maqlayseen ayaan u maqlayay, komishan ayaa loo dhaariyay arrintan, komishankuna waa Maxkamad, Maxkamadana cidda loo dhaariyo ayaa gacanta ku qabatay oo fulisa, haddii ay ka soo bixi kari waayaan oo la arko dee ceeb ma aha haddii la yidhaa ha laga badelo xilkii way gudan kari waayeene. Haddii ay xilkooda gutaana waa in lagu taageeraa.” ayuu yidhi La taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland.

Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka oo warbaahintu weydiisay inay sharci tahay guddidaasi, wuxuu ku jawaabay “Anigu uma arko (Sharci guddidaasi) maya anniga rayigayga Cabdillaahi ahaan uma arko kuma talinayo. Waayo meeshu waa garsoor, intaa loo dhaariyayna waa inay xilkaa ay qabteen ummada ay ugu fuliyaan, dee halkii ay tamari gaadhsiiso aqoon la’aani waa halkeedee.”

Berbera news.