Laacibkii hore ee Liverpool oo ka bad baaday ganaax ka soo wajaha xidhiidhka FA-da Ingiriiska

0

Qadka dhexe ee kooxda Swan sea City Jonjo Shelvey ayaa lagu soo waramayaa in uu ka badbaaday ciqaab uu kala kulmo xidhiidhka FA Ingiriiska kaddib markii la arkay isaga oo madaxka ku herdamaya ay difaaca kooxda Newcastle United Mathieu Debuchy.

article-0-19D90A1000000578-821_634x356-80x60

Tababaraha Newcastle Alan Pardew ayaa sheegay in laacibkii hore ee kooxda Liverpool uu sameeyay fal ka baxsan kubada cagta intii lagu guda jiray kulankii Magpies 3-0 guul daro ah ay ka soo xareysatay kooxda reer Wales.

Inkasta baaqa Pardew la maqlay hadana waxaa la fahan sanyahay in gudiga FA aysan talaabo ka qaadi doonin Jonjo Shelvey sida laga soo xigtay BBC Sport.

Sawirro ayaa muujiyay in Shelvey uu si kibir ah madax ugu garaacay difaaca reer Faransa laakiin 21 jirkan ma aanu sameyn wax kale oo qalad ah.