Laba nin oo lagu dilay Hargeysa

0

Hargeysa-(Berberanews)-Laba nin ayaa caawa gelinkii hore lagu kala dilay Istaanka Basaska Idaacadda ee Badhtamaha Hargeysa iyo Suuqa Gobonimo ee ku yaal Idaacadda.

Labadan nin oo dilkooda loo adeegsaday middi amma tooray, ayaan ilaa hadda la xaqiijin sababta dilkooda lala xidhiidhinayo, waxaana maydkooda caawa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Lama garanayo illaa imika sababta ka dambaysay dilka labadan nin, oo midkooda loo hayo qof lala xidhiidhanyo in loo tuhunsanyahay dilka labadan nin mid ka mid ah, waxaanna arrinta gacanta ku haya ciidammada baadhista Dembida.

Xilliga dilalkani dhaceen ayaa ku soo beegmay wakhti xukuumaddu ciidammo tiro badan caawa dhigtay  magaalada Caasimadda Hargeysa, oo xoog baadhitaanno ugu haya magaalada, kuwaasoo baadhitaankoodu salka ku hayo qorshaha xukuumaddu doonayo inay berri Goleyaasha Baarlammaanka ku hor geyso Saldhigga Milateri ee Imaaraadki damacsanyahay inuu ka sammaysto magaalada Bebera.

Wixii warar ka soo kordha arrimahan kala soco Berberanews