Labada Manchester Oo Guul Gaadhay Ku Dhameysatay Horyaalka, Liverpool, Arsenal Iyo Chelse Oo Afka Ciid Loo Dara, Blackpool Iyo Birmingham Oo Ku Laabtay Kooxaha Heerka Labaad.

0

 Kooxaha Blackpool iyo Birmingham City ayaa ku biiray kooxda West Ham inay xilli ciyaareedka danbe kala ciyaaraan heerka labaad ee Ingiriiska.Blackpool ayaa waxa ay guuldarro xanuun leh ka soo gaadhay Manchester United oo u dabaaldageysa horyaalkeedii 19aad, ka dib markii 4 gool iyo 2gool lagu garaacay.Ji Sung Park ayaa goolka u furay Man United, lakiinse waxaa barbareeyay Charlie Adan oo rajo galiyay Blackpool, waxaana Blackpool ka sii farxiyay markii ay hoganaka qabteen oo ay ciyaarta ka dhigeen 2-1.Lakiin gool ay iska dhaliyeen iyo gool uu ka dhaliyay M. Owen ayaa Blackpool u diray inay u laabtaan Championshipka Ingiriiska.Manchester United ayaa haatan u dabaaldageysa horyaalkeedii 19aad, waxaana xilli ciyaareedkan ay ku dhameysatay iyadoo aan looga badin garoonkeeda Old Trafford.Dhinaca kale kooxda Birmingham ayaa iyadana gashay heerka labaad ka dib markii ay guuldarro ka soo gaadhay Tottenham, Spurs ayaa ku badiysay 2-1 iyadoo labada gool uu u dhaliyay Pavlyuchenko.Tottenham waxa ay sidaasi ku xaqiiqsatay booskeeda 5-aad oo ay ugu soo baxeyso koobka Europa League, halka Liverpool oo Astonvilla la ciyaareysay ay ku dhameystay kaalinta 6-aad waana ay ku hungowday inay Europa League gaadho madaama ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaadhay Astonvilla.Birmingham oo qaatay koobka Carling Cupka xilli ciyaareedkan ayaa inkastoo ay heerka labaad u laabatay waxa ay ciyaari doontaa Europa League.Kooxaha Blackburn iyo Wolves ayay ciyaartoodii ku dhamaatay 3-2 oo ay Blackburn ku badisay. Lakiin labadoodaba waa ay dabaaldageen madaama ay ka badbaadeen inay heerka labaad u laabtaan.Kooxda Wigan oo iyadana halis ugu jirtay inay laabato ayaa badbaaday ka dib markii ay hal iyo eber ku goosatay kooxda Stoke City.Dhinaca kaalinta 3-aad kooxda Manchester City ayaa ku dhameysatay oo si toos ah Champions League ugu soo baxeysa xilli ciyaareedka danbe ka dib markii ay guul ka gaadheen kooxda Bolton.Man City ayaa 2-0 ku quusisay Bolton waxaana labada gool u kala dhaliyay Dzeko iyo Lescott.Arsenal oo rajo ka qabtay kaalinta 3-aad ayaa iyada waxaa barbaro ay ka bariday kooxda Fulham, ciyaartaasoo ku dhamaatay barbaro 2-2 ah, waxaana aakhirkii ciyaarta Arsenal u barbareeyay Theo Walcott, halka goolka kalena uu u dhaliyay RVP.Arsenal kaalinta afaraad ayay ku dhameysatay horyaalka waxaana ay tagi doontaa isreebreebka UEFA Champions League.Dhinaca kale kooxda Chelsea oo kaalinta labaad mar hore sii xaqiiqsatay ayaa guuldarro ku soo xidhay xilli ciyaareedkeeda, Everton ayaa 1-0 kaga badisay kooxda Chelsea.Ciyaaryahan Beckford ayaana goolka guusha ka dhaliyay kooxda Chelsea.

Kulamadii kale e dhacay ee Horyaalka Ingiriiska waa sida tan:

  Aston Villa 1 – 0 Liverpool
 
  Bolton W. 0 – 2 Manchester C.
 
  Everton 1 – 0 Chelsea
 
  Fulham 2 – 2 Arsenal
 
  Manchester U. 4 – 2 Blackpool
 
  Newcastle U. 3 – 3 West Bromwich A.
 
  Stoke C. 0 – 1 Wigan Athletic
 
  Tottenham H. 2 – 1 Birmingham C.
 
  West Ham U. 0 – 3 Sunderland
 
  Wolverhampton W. 2 – 3 Blackburn R.

 

Dhinaca Kala Horeynta Horyaalka Ingiriiska Sida Uu Ku Dhamaaday:

  Mustafe “kastam”

shaafici_3@hotmail.com