Leo Messi: Waa Finalkii Riyada Ee Champions League Marka Aan La Kulmeyno Manchester United.

0

Iyada oo muddo todobaad ku dhow ay ka dhiman tahay finalka Champions League, ayaa waxa uu Lionel Messi aamisan yahay in Barcelona ay shaqadii ugu weynayd u taalo marka ay la kulmeyso kooxda Manchester United.Xilli ciyaareed Sir Alex Ferguson uu ku guuleystay horyaalka Ingariiska, ayuu Messi ku amaanay tababaraha Scotland koobabkii uu hantay, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay ka warqabaan awooda United, waxaanuu yidhi “Waxaan u hayaa ixtiraamka ugu weyn shaqadiisa. Waa inaad noqotaa tababare weyn hadii aad koox kula guuleysaneysid koob marba marka xiga” ayuu yiri Messi oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Telegraph ee dalka Ingariiska ka soo baxa.Waxa uu intaas ku daray messi “Way xoogan yihiin, mana isku dayi doonaan inay ciyaarteena burburiyaan. Manchester iyadaa ciyaarteeda goonida ah la imaan doonta, laakiin Waxaan qabaa inay tahay finalkii riyada marka aan la kulmeyno Manchester United. Waa koox heerka aan taaganahay taagan, sidaasi darteed waxaa iga dhaadhacsan inaan heli doono final aad u fiican, Champions League waa koobka ugu muhimsan marka lagu daro koob adduun. Ciyaartoyda Adduunka ugu fiican ayaa ciyaarta. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Rajo fiican ayaan finalkan ka qabaa sababtoo ah labada kooxood si fiican ayay u ciyaraan farsamo ahaan, Xilli ciyaareed uu dhaliyay 50 gool Messi tartamada oo idil, hadana wali way dhimantahay inuu gool ku dhaliyo garoon ku yaala Ingariiska.Rikoorkaas gool la’aanta carada Ingariiska ayaa ah mid farxad gelin karta taageerayaasha United, lakiin Messi ayaa ku tilmaamay inay tahay wax lama filaan ku dhacay oo aan  aheyn inkaar heysata.“Run miyaa inaanan wali gool ku dhalin England? Ii ogolow inaan ka fekero haa,, waa runtaa” ayuu yiri.“Waligey kama fekerin arintan iyada ah, waxaana aaminsanahay inay tahay wax si kama ah ku dhacay, Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno Wembley inaan gool ku dhaliyo. Lakiin waad i taqaanaan aniga, hadii aan koobka qaadno ma kala jecli cida goolasha dhalisay”.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com