Liverpool Iyo Man City Oo U Soo Gudbay Semi-finalka Carling Cup, Chelsea Iyo Arsenal Oo Guryahahooda Lagu reebay.

0

(Berberanews Sports):- Kooxda Liverpool ayaa u gudubtay semi-finalka koobka Carling Cup ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge.

Labada gool ayaa yimid qeybtii danbe ee ciyaarta, iyadoo ay kala dhaliyeen Martin Kelly iyo Maxi Rodriguez waxaana caawiye ahaa labada goolba Craig Bellamy.

Ciyaaryahan Andy Carroll oo dhameystay 90ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa qeybtii hore daqiiqadii 20aad ee ciyaarta waxaa laga badbaadiyay rigoore, ka dib markii Alex uu kubad gacanta ku taabtay, waxaana rigooradaasi ka tufay goolhaye Ross Turnbull.

Natiijadan ayaa waxa ay ka dhigeysaa in markii labaad 10 maalmood gudahood ay kooxda Kenney Dalglish ay garoonka Chelsea ku garaacaan, taasoo sii kordhineysa cadaadiska tababare Andre Villas-Boas.

Liverpool ayaa haatan xaqiijisatay hal kulan oo ay ugu safrayaan Wembley bilowga 2012ka.

Kooxda Manchester City ayaa safarkaasi kula biireysa ka dib markii ay hal gool iyo waxba kaga badiyeen kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa garoonkeeda Emirates.

Ciyaaryahan Sergio Aguero ayaa goolka guusha u saxeexay kooxda Sky Blue, oo iyadana u soo gudubtay semi-finalka koobka Carling Cup.

Arsenal, ayaa ilaashaneysay rikoorkeeda aan looga badin garoonkeeda marka ay la ciyaarayaan City muddo 36 sannadood ah, waxaana ay ahaayeen kooxda gacanta sarre leh dhinaca kubada oo ay labada kooxoodba ciyaaryahano badan soo bedeleen, lakiin Gunners waxaa beeniyay inay guulgaadhaan goolhaye Costel Pantilimon.

Kooxda Cardiff City ayaa iyadana booskeeda wareega afar dhamaadka xaqiijisatay ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Blackburn Rovers.

Manchester United iyo Crystal Palace ayaa caawa midkood xaqiijisan doona iyagana inay soo xaadiraan wareega semi-finalka ee koobka League Cup.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports