London: Madaxweyne Silaanyo oo Ismuujiyay+Sawirro

0

London(Berberanews):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa caawa lagu dhex-arkay isaga oo dhex lugaynaya qaar ka mid ah Suuqyada magaalada London ee xarunta waddanka Brtain oo uu toddobaadkii u dambeeyey Fasax nasho ah ku joogay.

Madaxweynaha oo ay weheliso Marwadiisu, ayaa caawa si ismuujin ah u dhex-maray qaar Suuqyada London ka mid ah, isla markaana la caweeyey qaar ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland ee halkaas ku dhaqan. Waxaa sidaa lagu sheegay Qoraal kooban oo Xafiiska Warbaahinta ee Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay oo ay ku ladhnaayeen Sawirrada laga qaaday Madaxweynaha iyo Marwadiisa oo goobahaas maraya.

Qoraalkaas kooban ee Madaxtooyada ka soo baxay oo Nuqul ka mid ah Aftahannews.com soo gaadhay, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa bookhday suuqa weyn ee shopping centre ee Westfield shopping centre ee galbeddka London waxaanu fadhiistey kana xaqweeyey coffee shop ku yaal oo ay ku sugnaayeen qaar ka mida jaalliyadda reer London oo fadhiyay halkaasi.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Xoghayaha gaarka ha ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Cali Gaas.

Madaxweynaha oo ku guda jira fasixiisa sannadlaha ahaa ee uu dalka Uk ku soo qaadan jiray, ayaa caawa si kedis ah uga dhex toosay Suuqyada Shopping Centre oo uu Madaxweynuhu kula caweeyey Jaaliyadda reer Somaliland ee halkaasi ku sugnayd caawa oo iyagu nasiib u yeeshay inay arkaan Madaxweynihii Qaranka Somaliland oo lugaynaya Suuqyada waaweyn ee London.”

Socodkan caawa ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka dambeeyey markii maalmihii u dambeeyey ay soo baxeen Warar sheegaya in Madaxweynuhu xanuunsanayo, isla markaana qalliin Caafimaad Madaxa lagaga samaynayo, kaas oo uu Afhayeenka Madaxtooyadu shalay ka jawaabay, kuna tilmaamay been-abuur ay Siyaasiyiin Mucaarad ahi buunbuuniyeen, Madaxweynuhuna caafimaad-qabo, xaalad deg-deg ah oo isaga iyo Qoyskiisa la soo deristayna jirin. Waxaanu soo bixitaankan caawa uu London ku dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo jawaab u noqonaysaa Wararka sheegayey inuu xanuunsanayo oo qalliin Madaxa ah lagu samaynayo.