” Ma Jiro Haba Yaraatee Wax Dhaqdhaqaaq Ah Oo Laascaanood Ka dhacay Mudaharaadna Haba Sheegin ” Maayarka Degmada Cabdicasiis Taarwale

0

Ma Jiro Haba Yaraatee Wax Dhaqdhaqaaq Ah Oo Laascaanood Ka dhacay Mudaharaadna Haba Sheegin ” Maayarka Degmada Cabdicasiis Taarwale

Maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo isagoo ku sugan Laascaanood Khadka Telefoonka Ugu waramay Mareegta Saylactoday waxaa uu Sheegay in Degmadu Nabad Tahay Isla Markaana aanay Haba Yaraatee wax dhaqdhaqaaq Muuqda ahi Ka dhicin Gobolka Kadib Markii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku Dhawaaqay Isu soo bax Lagaga soo Horjeedo xukuumada oo Laga Abaabulo Degmooyinka Dalka .
Maayarka Laascaanood oo u Waramaya Weriye Ka Tirsan Mareegta Saylactoday waxaa uu yidhi .
” Ilaa Hada walaal waxaan kuu Xaqiijinayaa Inaan Magaalada waxba Ka dhicin Mudaharaadna Hadalkiisa daa waxoogay Caruur ah baa Yare Yaacyaacay kuwiina way iska Kala Tageen Markii Danbe ee Ciidamada qaranku Gaar ahaana Boolisku Kusoo Kaceen Ilaa Hadana Magaalada Waa Nabad waana aad Mahadsan Tahay Weriye ” Ayuu yidhi Duqa Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale.
Xisbiga Waddani gaar ahaana Gudoomiyaha Xisbigaasi ayaa Laba Maalmood ka hor ku dhawaaqay 3 Maalmood oo Banaan Baxa Kaasi oo lagaga soo Horjeedo Goaanka Golaha Wakiilada somaliland ka Qaatay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Dalka.