Berbera News | Daily News Update

Maamul-goboleedka Puntland oo qaab cunsuriyad ah u joojiyay Bandhig-faneed uu Garowe ku qaban lahaa Fanaan ka tirsan Xiddigaha Geeska

Puntland-(Berberanews)-Fanaanka Cabdirisaaq ismaaciil Anshax oo muddo laba bilood ah ku sugnaa Puntland, ayaa laga joojiyay bandhig-faneed uu Habeenkii Ciidda ku qaban lahaa magaalada Garowe oo muddo xayaysiiskiisu ka socday halkaas.

Fanaankan oo ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska ee ka aas-aasan Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu dhawr Gobol oo ka tirsan Geeska ku soo dhigay Bandhig la magac baxay “Afkaygoow Qolo ma tihid ” oo uu hore ugu soo dhigay Muqdisho iyo Jigjiga, ayaa dawladda Puntland qaab cunsuriyad ah xalay uga joojiyeen bandhiggaas uu taageerayaashiisa reer Puntland ugu qabanayay showga ay u diyaar garoobeen.

Fanaan Cabdirisaaq Ismaaciil Anshax, oo la soo xidhiidhay shebekadda Berberanews.com, ayaa na soo gaadhsiiyay Muuqaal uu kaga hadlayo tallaabada ay dawladda Puntland ku hor istaagtay Bandhigiisa, oo aannu idiinkku soo gudbinayno muuqaalkan hoose.