Maanta: Bilawga kal-fadhiga Guurtida, Boogaha Xeerka Isgaadhsiinta ee sugaya, baratanka Shirkadaha iyo dhawrista bulshada

0

Hargeysa-  (Berberanews)- Kal-fadhiggii 44-aad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inuu maanta si rasmiya u furmo, iyaga oo Mudanayaashu soo dhammaystay fasax laba bilood ah oo ay ku maqnaayeen, ka dib markii uu xidhmay kal-fadhiggii 43-aad ee Golahaasi.

Kal-fadhigga 44-aad ee Mudanayaasha Guurtida ayaa la filayaa inuu ku bilaabmo qodobbo xaasaasiya oo ay ka mid yihiin Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka oo ay dhawaan u gudbiyeen  Golaha Wakiillada Somaliland, taasoo uu ka dhashay buuq iyo Jahawareer badan, isla markaana ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen Masuuliyiinta Xukuumadda, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno reer Somaliland ahi. “Kal-fadhiggaasi si caadiya ayuu u furmayaa Berri (Maanta), waxaana ugu soo horreeya qodobbada Ajandaha Kalfadhigga Xeerka Isgaadhsiinta oo runtii aannu u dareemayno inuu yahay mid aad u xasaasi ah oo indhaha bulshadu aad u hayaan sida Guurti ahaan aannu ka yeelno, waxaanan rejeynayaa inaannaan magac-xumo ku kasban doonin ee aannu sixi doonno qaladaadka laga muujiyey, Dastoorkana waafajin doonno…” Sidaa waxa Wargeyska Ogaal u shegay mid ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida oo ka cudur-daartay in magiciisa la shaaciyo.

Golaha Guurtida oo muddo laba bilood ah fasax ku jiray, ayaa Siyaasiyiin badani ugu baaqeen inay is hor tagaan Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka, halka qaar kalena ugu baaqeen inay sidiisa ku-meel-mariyaan. Hase yeeshee, maanta oo uu kal-fadhigga Golahaaasi furmayo ayaa wararka laga helayaa tibaaxayaan, in gacmo dhawr ah oo dhinacyo kala duwan u ololaynayaa inay ku jiraan Golaha, kuwaasoo intooda badani ku foogan yihiin qaabkii Guurtida uga dhaadhicin lahaayeen, isla markaana u furfuri lahaayeen Mudanayaasha sidii ay duudduub ugu meel-marin lahaayeen Xeerka Isgaadhsiinta oo qodobbada ku jira qaarkood aanay Dastoorka Qaranka Waafaqsanayn, sida Suuqa Ganacsiga xorta ah oo kale iyo kuwo la mid ah.

Inkasta oo Duullaan iyo olole weyn laga dhex-dareemayo Gulaha Guurtida oo ay suuragal tahay inay jidka saxda ka leexin karaan Mudanayaasha qaarkood, haddana waxa Golaha Guurtida oo ah Golaha Qaranka Somaliland ugu sarreeya awood ahaan, inuu waajibaadka ka saran Xeerkaas ka gutaan Xildhibaannadu, maaddaama oo uu Xeerkaasi yahay mid xasaasi ah oo indhaha bulshadu si weyn u hayaan, dhinacyo badanina ku kala aragti duwanaadeen. Waxaa laga filayaa Mudanayaasha Guurtidu inaanay xeerkaas ku deg-degin ee ay si deggan uga baaraan-degaan intaanay ansixin ka hor, qodobbada Dastoorka ku lidka ahna waafajiyaan Dastoorka Qaranka Jamhuuriyadd Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ummadda reer Somaliland dhawrayaan sida ay Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeelaan Xeerkaas oo muran, khilaaf iyo yooyootan badan Shicib, dawlad, Ganacsato, iyo guud ahaanba Somaliland ka dhex-abuuray. Waxaana sidoo kale, laga sugayaa Guurtida inay guud ahaanba soo afjaraan kala fogaan kasa oo la filayey inuu Xeerkaasi Abuuri karo, isla markaana ansixiyaan iyaga oo Xalaaleeyey Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka oo gal-daloolooyin kala duwan laga muujiyey qaarkood shicibka dhibaato ku keeni karaan iyo dhinacyo kale oo kala duwan.

 

Sources Ogaal