“Maanta xisbiga waddani ayaa baqdin leh ee kulmiye baqdin ma laha oo wuu soo dhamaystay” Xildh Siciid Cilmi

0

Hargeysa-(Berberanews) Xildhibaan siciid cilmi rooble oo maanta waraysi gaar ah siiyey ayaa ka hadlay isbahaysigii ku soo biray xisbiga waddani.

Isagoo ka hadlayana waxa uu ku bilaabay sidan: “Markii uu xisbiga kulmiye helay doorashadda ee uu dawladnimaddii helay wixii aanu ummada aanu ugu balan qaadnay iyo barnaamijkayagii iyo isbadelkii khayrka qabay eenu doonaynay rag baa naga badalay.

“Ragii naga badalay ee jaahaababiyey ee ilaa manta aamusnaanta ay reer Somaliland ay ka aamusan yihiin haday yihiin xisbiyada raga baday ayaa nagu soo biiray maanta.”

“Raggaan anigu uga tagay xisbiga kulmiye ee fiktanka naga dhigay ayaa nagu soo biiray marka waxaan maanta idiin sheegaya inay waddani-na cidhib la’aanina maanta ku soo socoto, siday cidhib la’aantu xisbiga ugu dhacday.”

Ragaasi waxay doonayeen inay xisbiga kulmiye-na ka takhalusaan oo ay xisbiyo cusub samaystaan weeyaan ragaasi.

Marka waxaan idin sheegayaa maanta xisbiga waddani ayaa baqdin leh ee kulmiye baqdin ma laha oo wuu soo dhamaystay, ka baqdinta leh ee abrisku soo galay waa waddani.