Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Maamulkiisa Sadex Sano iyo Dakhligooda Oo Aad Uga Hooseeya Degmooyinka Dalka

0

Warbixin Q2aad

Laascaanood-(Berberanews)-MaayarkaDegmada Laascaanood ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka iyo Xoghayaha UrurkaD/hoose ee Somaliland Cabdicasiis Waxa uu ka Waramey Waxyaabaha u qabsoomaymudada uu Xilka hayey, iyo Qorshayaasha Waxyaabaha adeegyada aasaasiga u ahBulshada ee ay Damacsan yihiin inay Wax ka qabtaan Sanadka Cusub ee 2020ka.MaayarkaLaascaanood, oo Sanadkii taggey ee 2019k isku soo ururiyay WarbixintaKoobsaneysa, Waxqabadkii Sadex Sano,oo uu hayey xilka Maamulka Golaha DeegaankaDegmada iyaddoo aaney Degmadu la dakhli aheyn dhinaca Cashuuraha iyoMiisaaniyaddaba Magaaloyinka Waaweyn ee Gobolada kale haseyeeshee, ay intiiitaalkooda ah dedaal galiyeen, Meel kasta oo ay ka kaabi karaan Adeegyaddaaasaasiga u ah Bulshada Warbixinta Q2aad oo dhameys Tiran Waxa uu Maayarku kagahadlayaa Qeybaha kale ee Waxqabadkooda:- «”Waxa aanuXooga Saarney, in aanu ka haqabtirno Gudaha Magaalada Laascaanood in Korontadaku Shaqeysa Cadceeda ee (Public Lightka), aanu si hagar La,aan ah ugahaqabtirno Magaalada si ay Bilicda Magaalada iyo Amaanka Dadweynahaba uHaqabtirto, Waxa aanu gaadhsiinay Solarr Seysteamkaa Magaalooyinka Yagoori iyoKalabeydh, Waxa kale oo aanu keenay Wiishka ka Shaqeeya Cilada ku timaadaKorintadaasi oo D/hoose Maalgaliso isaga iyo Shaqaalaha ka hawlgalayaba»Ayuuyidhi. Isagoo ka Waramayadoorka ay ka Maamul ahaan kaga Qeyb qaateen Dhinaca Ciyaaraha iyo DhiiragalintaIsbootiga Kooxaha Kubadda Cagta ee Gobolka iyo Degmada Laascaanood, Waxa uuyidhi.«Waxaanu ahmiyadWeyn siiney Dhiirigalinta Ciyaaraha iyo Isboortiga Degmada iyo Gobolka,iyadoo aanuD/hoose ahaan kaga hawlgalney Garoonka ugu Weyn Magaalada ee Cabdi-Bille Cabdiin loo Sameeyo, ka farsamo ahaan in Garoonku hello dhul balaadhan, oo aannawaaxigiisa lagu cidhiidhyin, si mar walba looga helo, Goob ku filanCiyaartoyga,taageerayaashooda,iyo Dadweynaha iyo Gaadiidkoodaba, Waxaaney taasiu sahleysaa in Garoonka Laascaanood, qaadi karro in lagu Qabto CiyaarahaGobolada oo uu dad badan qaadayo,iyadoo aanu tacab badan galinay dhigistii Rooga,ooay Madaxtooyaddu naga caawisey, Waxaananu u baneynay Parkinka Gaadiidka ladhiganyo, oo uu kaga duwan yahey Gobolada kale ee Somaliland iyo Caasimadaba». «Mudadii aan Xilkahayey Waxa aan Ka Maayar ahaan ka hawlgaley sidii ay Dhalinyaradda GobolkuShaqo u heli lahaayeen, taas oo ay Hay,adda Shaqaalaha Dawlladu nala qaadateyoo markii ugu horeysay Laascaanood Imtixaan lagaga qaadey 5o Ardey iyo SoddonArdey oo ay Hay,adda Shaqaaluhu naga qaadatey, Iyadoo aanu ka qeyb qaadanayBarnaamijkii Shaqo Qaran, ee Madaxweynuhu Daahfurey anakoo uga mahad celinaynaTiradda uu Madaxweynuhu ka qaatey Gobolka oo markii hore naloo ogolaadey lababoqol iyo dheeraad inkastoo aanaan ka faa,ideysan Fursadaa ee 100 Ardey oo kaliahi markii dambe ka qeyb galeen»«Arimaha ugumuhiimsan ee Waxqabadkayaga Ka Gole Deegaan ahaan aanu door adag kaga qeybgalney, tacab baddana ku bixinay Waxa kamid Baabiinta Kaamamka Degsoomiyin Cusub,oo Gobolka ka abuuri gaadhey khilaaf dhuleed, oo isku dhacyo beeleed sababilahaa taas,oo aanu ku guuleysanay in aanu joojino, Waxa kale oo aanuDabargoynay oo D/hoose ka hawlgashey Goynta Geedka loo Yaqaan (garanwaaga), ooXaafado Magaalada kamid ah dhibaato ku hayay haseyeeshee, Maanta natiijofiicani ka dhalatey, goyntiisa, badelkiisana, aanu Shacabka ku booriney kunaWacyigalinay in ay Wasaaradda Deegaanka ka Qaataan Beerista Noocyada Dhirta eeqeyb ka noqon doonta Bilicda Magaalada iyadoo aanay Markii hore Dadka Reer Laascaanoodaad isticmaali jirin Beerista Dhirta». Waxa kale ooMaayarku Warbixintiisa ku Sheegay,in ay Dedaal dheer iyo Samir baddan iyoCodsiyo, aan joogsi laheyn mudo dheer ku daba Socdeen Barnaamijka MashruucaGPLG kaa oo Gobolada kale aaneylawadaagi jirin haseyeeshee, ay aakhirkii ku Guuleysteen in Gobolka loo soodaayo, Taas oo ay Ka Maamul ahaan kala qeyb qaadatey Xukuumada Dhexe, WaxaanuMaayar Cabdicasiis Carabka ku dhuftey, in muhiimadda koowaad tahey (Capacitybuilding),oo ah dhismaha Aqoonta fulinta iyo kobcinta Maamul daadajineed.«XaqiiqddiiMashruucaasi Wuxuu ku joogay,Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,maantawuu nasoo gaadhey, Ka Maamul Golle Deegaan ahaana hawl iyo tacab baddan ayaanuka galney Waxaanu uga mahad celinaynaa Madaxweynaha,Madaxweyne/kuxigeenka, iyoWasiirka Arimaha Gudaha,oo Runtii Gobolka ku yeelan Taariikh cusub, oo ka Duwantii ku suntaneyd intii Somaliland jirtey, Shacabka iyo Dadweynuhuna Waxyaabobaddan oo ay hadda nala Qabteen ayay maalinba maalinta ka dambeysa, si xoog ahu dareemayaan una arkayaan»Ayuu yidhi Maayar Cabdicasiis Xuseen Taarwale ahnaGudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood.Isagoo hadalkiisasii Watta Waxa uu yidhi:- «Qoddobada Muhiimka ah ee aanan Marnaba ilaawi karinIslamarkaana, aan is leeyahey,Waxa ay Waxweyn ka tarri doonta Sumcada GolahaDeegaanka Degmada Laascaanood,iyo Ka Maamul ahaan Waa Doorka aanu kagaQeybqaadanayno, Mashruuca Dhismaha Jidka Tagga Madaarka Laascaanood, oo ah kakaluya ee ka Furan Dalka, marka laga taggo Madaarka Caasimada dhismaha 5KM eeMadaarka ka D/hoose ahaan anaku Qeybta ugu badan ayaanu kaga QeybqaadanaynaaWaxqabadkayagana wey ku Suntan tahey ilaa iyo hadda oo aan Wali la dhamaystirin marka loo eego Awoodayadda Dakhli, Waxaanu ku Rajo-weynahay in uu Dhawaannoo dhamaan Doono». «Ka Maamul ahaan,Waxaanu isleenahay,Waxaad si taxadir leh u gudateen hawl Culyaskeedda laheyd ooah Qorshaha Nidaamka iyo hagaajinta Magaalada ee(Town-Planing), Waxaanu furney28 Waddo oo ka xidhnaa Gudaha Magaaladd