Madaweynihii hore ee Masar oo geeriyooday

0

Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Wuxuu ku dhintay da’da 91.

Xusni Mubaarak waxaa sannadkii 2011-kii xilka ka tuuray militariga xilligii uu socday gugii kacdoonka Carabtu.
Xusni Mubaarak wuxuu dhashay sannadkii 1928-dii, wuxuu ku biiray ciidammada cirka isaga oo da’ yar.

Wuxuu xilliggaas kaalin weyn ka qaatay dagaalkii uu dhexeeyay Israa’iil iyo Carabta sannadkii 1973-dii.

Wuxuu madaxweyne noqday markii la dilay madaxweynihii isaga ka horreeyay Anwar Sadaat.

Xusni Mubaarak wuxuu door weyn ka ciyaaray nabadeynta Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Xilliggii uu Masar ka talinayay waxaa dalka ka jiray shaqo la’aan, macluul iyo musuq maasuq.

Waxa xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii markii uu kacdoon ka bilowday dalkaas.

Sannadkii 2012-kii, Mubaarak waxaa lagu riday xukun xabsi daa’iin ah kaddib dilkii 900 qof oo ku dibadbaxayay dalkaas xilliggii kacdoonka.