Madaxweynaha Silaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaabkii Gabiley

0

Berbera – (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kedis ah xilka uga qaaday shalay Badhasaabkii Gobolka Gabiley Mr. Rashiid Sheekh Cumar (Xaraaro), isla markaana guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas.

 

Digreeto madaxweyne Siilaanyo soo saaray shalay waxa uu xil-ka-qaadista Badhasaabka Gabiley ku sababeeyey mid ka dhalatay cashabooyin ka yimi kaalinta shaqo ee uu qaranka u hayey, balse digreetada madaxweynuhu soo saaray kuma xusna masuulka cusub ee xilkaa loo magacaabay, hasayeeshee sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa madaxweynuhu badhasaabka cusub ee Gabiley u magacaabay Mr. Cali Aw Aadan Meecaad, isaga oo wasiirka arrimaha gudaha faray inuu xilka u kala wareejiyo labada masuul.

 

Wareegtada madaxweynaha Somaliland xilka kaga qaaday badhasaabkii hore ee Gabiley Mr. Rashiid Cumar Sheekh Muxumed  waxa ay u qoran tahay sidan:

 

“Ku: Mudane Rashiid Cumar Sh. Muxumed, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gabiley ee JSL.

 

Og: Mudane, Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Ujeeddo: Xil-ka-qaadis

 

Mudane,

 

Ka dib markii cabasho isdaba jog ahi ay ka timi kaalintii shaqo ee aad qaranka u haysay waxaan gartay in aan xilkii kaa qaado, kuna bedelo cid kale oo xilka hanan karta.

 

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad shaqada haysay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomaha Gobolka Gabiley,” ayuu madaxweynuhu ku yidhi digreetada uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Gabiley.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland