Madaxweynaha Somaliland oo Booqasho Ku Tegay Cusbitaalka Guud ee Hargaysa

0

Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Kormeer Kedis Ah Ku Tegay Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa
Waxaana Uu Madaxweynuhu Kormeerkiisan Ku Booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka Oo Uu Ku Booqday Waadhadhka, Kormeerkan Ayaa Waxa Ku Wehelinayey Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif, Ergeyga Gaarka Ah Ee Wada Hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse.