Madaxweynaha Somaliland oo dalka ku soo laabtay, kana hadlay arrimo door ah oo kala duwan

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Hargeysa, ka dib markii uu soo dhammaystay fasax nasasho ah oo uu saddex toddobaad ku joogay dalka Ingiriiska iyo sidoo kale Safar uu ku soo maray waddammada Itoobiya iyo Jabuuti oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambaysay.

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, Madaxweyne Ku-xigeenka Madaxeyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole Baarlamaan, Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, Taliyayaasha Ciidammada, Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, Siyaasiyiin, Masuuliyiin kale iyo dadweyne aad u badan, waxaanu halkaa Salaan-sharaf kaga qaatay Madaxweynuhu Cutubyo ka tirsan Ciidammada qalabka sida.

Md. Axmed-Siilaanyo oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Saxaafadda kula hadlay,ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkiisan uu dalka dibeddiisa kaga soo laabtay, waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu maqnaa cidda uu kula kulmay intii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska iyo sidoo kale waxyaabaha ay kaga wadahadleen kulammo uu la yeeshay Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxaanu yidhi; “Aniga farxad weyn bay ii tahay in aniga iyo weftigii ila socday aanu dib ugu soo noqono dalkii hooyo, muddo bil wax ku dhowdhow ayaanu ka maqnayn dalka, mudadaasi waxaanu sii marnay dalalka ay ka mid tahay Itoobiya, Ingiriiska iyo Jabuuti oo aanu imika ka nimid. Safarkaasi aan dibada ugu baxay may ahayn casuumado la noogu yeedhay iyo shirar aanu ka qaybgalaynay, waxayse ahayd mid aan ku tagay sifo shakhsi ah iyo fasax aan ku tagay ayey ahayd.”

“Dalalkii aanu soo marnay mid walba madaxdiisa waanu la kulmaynay, hadday tahay dalka Ingiriiska oo qaar kamid ah wasiiradooda iyo xildhibaanadooda la kulanay, dawlada Itoobiyana waxaanu ka aragnay Ra’isal wasaaraha Males Sanawi oo aanu la kulanay, dawlada Jabuuti iyana waxaanu ka helnay martiqaad madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladiisaba, meesha aanu tagnaba si fiican ayaa la noogu soo dhowaynayey anagu mar walba danaha Somaliland ayaanu kala hadlaynay madaxdaasi.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirradda Madaxtooyada, Arrimaha dibada, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada iyo maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.