Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Aaska Maareeyihii Dekedaha Djibouti

0

Djibouti(Berberanews):- Aas Qaran oo ay Madax kala duwan oo dunida ka socotaa ka qaybgashay, ayaa magaalada Jabuuti maanta loogu sameeyey Allaah ha u naxariistee Maareeyihii hore ee Dekedaha Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geello oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyaddaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Allaah ha u naxariistee Meydka Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa laga soo qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ka dib markii uu dhawr maalmood ka hor ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Paris oo xaalad caafimaad-darro loo geeyey.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti uu hoggaaminayo, Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Xubno la socday, Weftiyo ka socday Itoobiya, Sudan iyo dalal kale, ayaa ka qaybgalay aaska Marxuumka.

Warka aaska Marxuum Sacad Cumar Geelle loo sameeyey oo ay sidoo kale Masuuliyiinta dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo Madaxweynuhu ugu horreeyaa goobjoog ka ahaayeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

Info@berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.