Madaxweynaha Somaliland oo ku soo guryo-noqday caasimadda

0

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, Ka dib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay.

Madaxweynaha oo safar shaqo kusoo maray gobollada Gabiley, Awdal, Saaxil iyo Togdheer, ayaa ka qaybgalay Xafladaha qalinjebinta Jaamacadaha dawladda ee gobolladaas ka dhisan.

Isagoo mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay kormeeray, halka iyo dhagax-dhig iyo xadhig-ka jaris ku sameeyey mashaariic kale oo bulshada waxtar u leh.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shirar kala duwan la galay madaxda xukuumadda u qaabbilsan gobollada uu booqday iyo weliba Madaxda dhaqanka iyo odayaasha bulshooyinka metela qaarkood, kuwaasoo farriimo iyo warbixinno xaaladaha kala duwan ee deegaannada ay ku nool yihiin ku saabsan siiyey madaxweynaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa geestiisa cabashooyinka qaar ka garaabay, isla markaana ballan-qaadyo uu meelaha qaar iyo waliba cabashooyinka bulshadu qabto wax kaga qabanayo u sameeyey madaxda dhaqanka iyo kuwa dowladda-ba, taasoo la odhan karo waxa uu kala soo noqday gobollada uu maray oo uu kula soo laabtay Hargeysa, fulintoodana cid waliba waxa ugu mudan ka sugayso amma uga fadhido Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Madaxweynaha oo kuurgalay mashaariicda kala duwan ee dawladdu hirgelisay iyo adeegyada bulshada loo qabto. Shacabka kala duwan ee ku dhaqan deegaannada uu madaxweynuhu booqday, ayaa soo dhawayn u muujiyey Madaxweyne Biixi iyo Waftigiisa.