Madaxweynaha Somaliland oo maanta dalka dub ugu soo laabtay, ka dib safar dhawr maalmood uu ku joogay Djibouti

0

Hargeysa (Berberanews):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Safar ugu maqnaa maalmahan dalka Jabuuti, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii maanta ku soo laabtay, isla markaana aan faahfaahin dhammaystiran ka bixin waxyaabaha rasmiga ah ee Madaxda Jabuuti iyo Somaliland ka wadahadleen.

war qoraal ah oo Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada ka soo baxay, oo nuqul ka mid ah Berberanews.com soo gaadhay oo soo noqoshada Madaxweynaha guud mar loogaga warramay, ayaa u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa oo safar shaqo oo qaatay 4(Afar maalmood) ku joogay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maayarka caasimadda iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, iyaga oo weftigu qaddar nasasho ah ku qaatay qolka nasashada ee madaarka Cigaal International Airport.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), ayaa saxaafadda uga warramay guulaha ka dhashay safarkaas iyo kulamo midho dhalay oo uu madaxweynuhu la qaatay madaxweynaha waddanka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo saraakiil kala duwan oo xukuumaddiisa ka tirsan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in si buuxda la iskula afgartay dhammaanba waxyaabihii laga wada hadlay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Safarkaasi waxa uu ahaa safar shaqo oo madaxweynaha Jabuuti uu casuumay madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa safar danaha labada dal ka dhexeeya, danaha iyo walaaltinimada lagaga wada-hadlay, dhammaan waxyaalihii laga wada-hadlayna aad iyo aad baa la iskugu afgartay, weftigayagana waxa loo soo dhaweeyey si aad iyo aad u meeqaam sarraysa.”

Safarka shaqo ee uu madaxweynuhu kaga soo laabtay dalka Jabuuti, ayaa salka ku hayey casuumad rasmi ah uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle usoo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi.” Sidaa ayaa lagu yidhi warka madaxtooyada. Isaga oo Muuqaal ahna halkan hoose ka daawo:-