Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Jigjiga, kana hadlay ujeeddada Safarkooda

0

Jigjiga(Berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka Itoobiya ee Killalka shanaad, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Xuska Qoomiyadaha Itoobiya oo Berri lagu qabanayo magaaladaas.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa si diirran ugu soo dhaweeyey Jigjiga Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiin ka tirsan Ismaamulka dawladda Soomaalida Itoobiya.

Waa markii ug horeysay tan iyo markii uu talada ku guuleystay dawlada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwene silanyo iyo wafti miisaankaa le ay xaga dhulka kagalaan dawlada aanu jaarka nahay ee Ethopia. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo u kicitimay Dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka  Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaas oo madaxweynuhu uu kaga qaybgelaayey Sanad Guurada Qoomiyahada Ethiopia wada Dega kuwaas oo ay ka soo wareegtay Sanad Guuradii 8aad qoomiyaha shucubaha Ethiopia. IMG_0044 Markii weftiga  madaxweynuhu ay gaadheen  Xuduudka Labada Dal ee Somaliland iyo Ethiopia Waxa si diiran u soo dhaweeyey  Madaxweynaha iyo weftigiisa oo xuduuda kaga hor yimid Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo qaabilaada ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigba u hor kacay Xuduuda ilaa jigjiga laga gaadhayey halkaas oo madaxweynaha lagu qaabilay heer caalami, waxaana madaxweynaha la dejiyey Guriga Martida ee Madaxtooyada DDS –da oo ay hore u sii deganaayeen Raisal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha South Soudan iyo Madax fara badan oo ka socda Wadamada Afrika intooda kale. waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Safarkan IMG_0071 (1) Marwada Madaxweynaha JSL   Wasiirka Madaxtooyada JSL   Wasiirka Warfaafinta JSL   Wasiirka Beeraha Jsl   Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL   Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee JSL   Xoghayaha  Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL   Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha JSL   Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee JSL   Agaasimaha Guud  Arrimaha Dibeda JSL.   Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada JSL   Xildhibaan Indho indho (Golaha Guurtida)   iyo qaybka mid ah Saxaafada Somaliland oo weftiga Madaxweynaha ka mid ah.   IMG_0145

IMG_0056 IMG_0067 IMG_0071 IMG_0071 (1) IMG_0074 IMG_0129Berberanews.com

Hargeaysa/somaliland