Madaxweynaha Soomaaliya oo rejjo ka muujiyey inuu kasbado Kalsoonida Somaliland iyo midnimo

0

Muqdisho(Berberanews)-Isagoo ka hadlayey munaasibad lagu xusay maalinta xornimada Koonfurta Soomaaliya, goboladii uu Talyaanigu gumaysanayey oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya “waxaanu diyaar u nahay inaanu dib u bilowno wadahadaladii noo dhexeeyey walaalaheena Somaliland oo aanu ognahay inay dhibaatooyin badan tirsanayaan”ayuu yidhi.

Munaasibadaha Xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay Gobollo badan oo Soomaaliya kamida, waxaana lagu soo bandhigay muhiimada ay leedahay xoriyada iyo wadaniyadu.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, wuxuu kamid ahaa masuuliyiinta dawladda ee dabaal-dega kala qayb-gashay Shacabka Soomaaliyeed. Xuska ayaa ah sanad-guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii Talyaanigu si rasmiya xornimada u siiyey Soomaaliya, markaasoo kaddib uu dhacay Israacii dhicisoobay ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Halkan ka Daawo ka Daawo Hadalka Madaxweyne Farmaajo: