Madaxweynaha Sudan oo xilka ka degay iyo Milateriga oo la wareegay dalkaas

0

Sudan-(Berberanews)-Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir, ayaa is casilay ka dib mudaharaado maalinti lixaad socday mudaaharaadka lagu dalbanayo in uu is casilo madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Heeso waddani ah ayaa ka baxaya idaacadda qaranka, garoonka ugu wayn magaalada ayaana albaabada loo laabay.

Wasiirka gaashaan dhigga ee Sudan ahna madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Cawad Ibnu Cawf ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.

Wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xidhan arrimaha siyaasadda.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

Qodobada ku xusan hadalka kasoo baxay militariga Suudaan

  • Madaxweyne Cumar Al Bashiir waxaa lagu xiraya goob ammaan ah.

  • Muddo saddex bilood ah dalka wuxuu ku jiraya xaalad ded deg ah.

  • Militariga wuxuu la wareegaya awoodda dalka muddada labada sanno ah ee dalka ay ka jiri doonto dowladda kumeel gaarka ah.

  • Waxaa meesha laga saari doonaa dastuurkii la ansixiyay sannadkii 2005-tii.

  • Wasiirka gaashaandhigga Suudaan,Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf waxaa uu sheegay inay ilaalin doonaan xaaladda xuquuqda aadanaha dalkaasi.

  • Militariga waxay shacabka ugu baaqeen inay ilaaliyaan tallaabooyinka amniga lagu sugayo oo ay dhaqan gelin doonaan.

Xigasho Bbc Somali