Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka oo heshiis xabad-joojin ah wada gaadhay

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabad joojin militari in Idlib ay bilaaban doonto saqdii dhexe ee Khamiista, kadib kulan ka dhacay Moscow oo socday muddo lix saacadood ah.


Idlib, oo ah meel ay ku awood badnaayeen fallaagada mucaaridk ee Suuriya, waxay xudun u ahayd rabshado iyo dhiig-baxa oo kordhay tan iyo bishii Disembar ee la soo dhaafay, bilowga ololaha Ruushka ee ay taageerayaan Suuriya si ay ula wareegaan gacan ku haynta gobolka taas oo keentay in Turkiga u diro kumanaan ciidan ah gobolka si ay u celiyaan ciidamada Suuriya. .

“Saacadu markay tahay 00.01 caawa, sida oo kale, laga soo bilaabo saqda dhexe, xabbad-joojinta ayaa la meel mari doonaa,” ayuu Erdogan u sheegay wariyeyaasha ku sugan Moscow.

Dhiniciisa, Putin wuxuu sheegay in Ruushku marwalba aanay la oggolaan hawlgalayaasha Turkiga, laakiin wuxuu ka dhawaajiyay in heshiisku uu soo afjari doono dhibaatada rayidka wuxuuna gacan ka geysan doonaa xakameynta dhibaatooyinka bani’aadamnimo.