Madaxweyne Biixi oo ka hadlay isbedellada siyaasadeed ee Mandaqadda

0

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Musue Biixi Cabdi, ayaa weeraray Masuuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ka talisa, isla markaana soo dhaweeyey tallaabooyinka Xukuumadda cusub ee Itoobiya qaadday ee dhinaca Heshiiska Eritrea ee uu Colaaddii labadooda dal u dhaxaysay Raysal-wasaare Abiy Ahmed ku soo afjaray, waxaanu ka hadlay is-beddelka Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka curtay, isagoo hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha dawlad-deegaanka Mustafe Cagjar.

Madaxweyne Muuse Biixi oo arrimo badan oo kuwa khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo Itoobiya ah ka hadlaya iyo weliba dagaalladda Somaliland iyo Puntland u dhaxaysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-