Madaxweyne Biixi oo la kulmay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada.

sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka iyo kaalinta Dawladda Uk ka qaadato nidaamka dimuquraadiga ah ee somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa uu uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.