Madaxweyne Cagjar oo ballanqaad u sammeeyay ganacsatada Somaliland

0

Hargeysa(Berberanews)-Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa ka dalbaday Ganacsatada Somaliland inay ku dhiiradaan Maal-gashiga Gobolka Soomaalida, Dawladduna ka caawin doonto arrimaha fursamo iyo shuruucda ay uga baahan yihiin si ay mashaariic ganacsi u abuuraan.

Mustafe Muxumed Cagjar oo maanta ka hadlayey Munaasibad lagu dhagax-dhigay Jidka Isku-xidhaya Berbera iyo Wajaale ee loogu talo-galay inay isticmaalaan Gaadiidka xamuulka qaada ee u kala gooshaya Somaliland iyo Itoobiya, ayaa intaa ku daray inay Dawladdiisu xoojinayso is-dhex-galka Bulshooyinka Soomaalida ah ee kala degan labada dal, doonayaana in Qofka Somaliland ka soo jeedaa aanay Ajaanib ku noqon Jigjiga, taasina ay qayb ka tahay sababta ay u dhiiri-gelinayaan Ganacsatadu inay Dalkiisa maal-gashiyo ka sameystaan.

Khudbada Madaxweynaha oo uu kaga hadlay dhowr qodob oo khuseeya cilaaqaadka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo aragtidiisa ku wajahan mustaqbalka nooca uu noqon doono xidhiidhkaasi, ku sheegay “Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland maaha mid maanta bilow ah ee waa mid soo jireen ah” ayuu yidhi isagoo intaa raaciyey “mashruucan maanta la dhagax-dhigay waa mid Taariikhi ah”.

Halkan ka Daawo Khudbada MM. Cagjar;