Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku hanjabay inay sii wadayaan dagaalka Tuka-raq

0

Garowe-(Berberanews)-Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka u dhexeeya Somaliland, cirkana ku laalay nabad iyo colaad-joojinta.

Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii ku dhex maray Deegaanka Tukaraq Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo khasaare badan loogu geystay Puntland, waxa isa soo tarayey dhaleecaymaha gudaha Maamulkaas looga jeedinayo siyaasiyiinta ku jira Dawladda ee ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Cabdixakiin Camay wuxuu ku goodiyey inay Somaliland ka saari doonaan Gobolada uu ka soo jeedo, balse taas hortii jireba waa, itaalna umuu soo kordhin.

Halkan ka Daawo:

Somaliland, ayaa dagaalka Tukaraq ku eeddeysay Dawladda Soomaaliya, iyadoo dhanka Puntland wixii ka dambeeyey dagaalkii u dambeeyey ee dhacay horaantii Ramadanta xaalkeedu noqday inay borobogaando lid ku ah Somaliland warbaahinta ku baahiyaan.