Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo furay Ciyaaraha gobollada, Togdheer iyo Maroodi-jeex oo hal iyo hal ku kala hoyday iyo Ciyaartowga ku guulaystay Gaadhiga Wasiirku dhigay

0

Burco-(Berberanews)- Ciyaaraha gobollada dalka Somaliland oo galabta si rasmiya uga furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu furay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Ciyaartii koobaad waxay dhexmartay Xulalka labada gobol Togdheer oo isaga marti loo yahay iyo Maroodi Jeex.

Labada Xul ee Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex, ayaa isla dhaafi waayey hal iyo hal. Goolka koobaad waxa ku horreeyey Xulka gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), halka Xulka gobolka martida loo yahay ee Togdheer ka keenay hal gool oo barbar dhac a.

Xululka gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer ayaa ka wada tirsan Group A oo ay kula jiraan Xulalka Gobollada Hawd iyo Sanaag. Ciyaartoowga goolkii ugu horreeyey ee Ciyaarta gobollada galabta dhaliyey oo ka tirsan Xulka gobolka Marood-jeex ayaa ku guulaystay Gaadhi Crown ah oo uu ballan-qaaday Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye inuu ku abaal-marin doono Ciyaartowga cagtiisa ku dhaliya goolka koobaad ee Ciyaaraha gobollada Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.