Madaxweyne Muuse: Furinta ururadu sharci bay ahayd

0

Hargeysa(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horaysay ka jawaabay eeddeyntii iyo hadalladii ihaanada ahaa ee ay u jeediyeen hogaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka todobaadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu khudbad-sanaddeedkiisii Dastuuriga ahayd ku sheegay in uu furayo ururrada Siyaasadda, ayaa sheegay in aanay ka suurtoobin in uu awoodda madaxtinimada uga faa’idaysto muquuninta Xisbiyada mucaaridka, balse sharciga qaranka ee umadda ka dhexeeyaa farayo ilaalinta iyo fulinta wixii dan u ah Dalka iyo maslaxada dadka.

Madaxweyne Muuse oo ka hadlayey kulan uu khamiistii Xafiiska kula yeeshay guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka, ayaa isagoo ka shidaal qaadanaya dareen-celinta shacbiga ee hindisaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu difaacay qorshihii uu soo jeediyey oo ku tilmaamay mid ka dhashay yooyootanka xisbiyada mucaaridka ee dhamaan waayey, waxaanu hogaamiyeyaasha mucaaridka u iftiimiyey in masuuliyada madaxweynuhu ka balaadhan tahay dan xisbi iyo rabitaan kooxeed labadaba.
“wadadii aanu qaadnay ee aanu ku dhawaaqnay ee (furista ururrada) sharcina way ahayd, saxna way ahayd umadduna waa soo dhaweysay, cidina isku itaalsanmayso ee haddii wadadu xidhanto sharcibaa la raacaa.”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa uu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “Sharciguna wuxuu ahaa waar haddii xisbiyadii is afgaran waayeen xisbiyadii hala furo ileen dalku doorasho la’aan maayee, laakiinse haddii xisbiyadu heshiiyaan Baarlamanka wax ka bedel ma geyn karno, waana tan aynu ku wada fadhino”.

Madaxweyne Biixi, waxa uu beyaamiyey in aan marna looga baqayn dulqaad yaraan iyo debecsani la’aan siyaasaddeed “markaa haddii aynaan sharciga u dulqaadanayn dee halkanba maynu wada fadhineen” – “ileen shalay waydinkii idaacada iga lahaa waa Khaayin khaayin dhalayoo dalkuu khiyaameeyey, haddana waanigaa ku soo dhaweynaayee dee dulqaadka dhan kalena ka eeg.”
Madaxweyne Muuse waxa uu mar kale balanqaaday “markaa sharciga waynu ku wada dedaalaynaa, dulqaadkuna waakaa aynu ku wada joogno”ayuu raaciyey Madaxweynuhu isagoo ku garnaqsaday in aanay madaxda Asxaabta Mucaaridku tudhaale iyo tix-gelin toona siinin karaamada qaranka ee uu huwan yahay.
Geesta kale, madaxweynuhu waxa uu ayiday heshiiska saddexda xisbi ka gaadhay khilaafka Guddida doorashada, kaasoo uu sheegay in sida uu ku soo gaadhay ee soo-jeedimaha ah loo baahan yahay in sharciga lagu waafajiyo
“in guddidii hore oo aan looga maarmahayn waayo-arag, labada xisbina ay maanta aaminsan yihiin iyo guddida sharciga ku dhisan oo aan waayo-arag badan lahayn idinkuna aad ka biyo diidansantihiin, waxaynu u baahanahay in lays waafajiyo oo kuwii aad idinku aaminsanaydeena la keeno, kuwa cusubna shaqeeyaan oo sharciga inta la waafajiyo Doorashadii aynu qabsano”ayuu ku dardaarmay madaxweynuhu.

Madaxda labada xisbi mucaarid oo fadhiyey madasha shirka, ayaa shucuurtooda isbedel laga dareemayey markii uu madaxweynuhu miiska kula garnaqsaday, isagoo u muujiyey bisayl hogaamineed, waxaana sidoo kale wajiyadooda laga dheehanayey dawnimada doodda madaxweynaha.