Madaxweyne Siilaanyo Maxkamad la taagayo hadduu doorashada qaban waayo 28 March

0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo haddii uu doorashada qaban waayo 28-ka bisha Maarso ee sannadkan 2017-ka Maxkamad la horgeynayo oo haddii uu maalin dib halloo dhigo yidhaahdo uu jebinayo Go’aankii Sharci ee Maxkamadda sare ku muddaysan doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda sannadkii 2015-kii.

Muuse Biixi waxa uu si adag ula hadlay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID oo uu sheegay inaanay weli jirin wax ay isla meel-dhigeen ama isla qaateen ama ku heshiiyeen oo la xidhiidha in doorashada dib loo dhigo iyo muddada dib loo dhigayo, hase ahaatee ay diyaar u yihiin Xukuumad ahaan iyo Xisbi ahaan wixii xal sharci ah in la sameeyo, balse ay Mucaaradku Masuuliyad saaran tahay inay kala shaqeeyaan sidii go’aanka sharci ee Maxkamadda sare go’aan kale oo sharci ah oo xal ah loogu maarayn lahaa, taasna aanay diyaar u ahayn ee ay Suuqa kolba wax ka sheegayaan.

Waxa uu Muuse Biixi sidaa ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyey kulan Xisbigiisu Hargeysa ku qabsaday, waxaana Muuse oo arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo Mucaaradka, doorashada iyo abaaraha khuseeya ka hadlaya, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-