Berbera News | Daily News Update

Madaxweyne Silaanyo oo magacaabay guddida daraasaadka xoojinta kaalinta haweenka iyo dadka laga tirade badanyahay ee ka qaybgalka siyaasadda dalka

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Silaanyo, ayaa maanta magacaabay guddi ku cusub Somaliland oo ka shaqayn doonta daraasaadka xoojinta kaalinta haweenka iyo dadka laga tirade badanyahay ee ka qaybgalka siyaasadda.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo lagu shaaciyay magacyada guddi ka kooban sagaal xubnood oo uu guddoomiye u yahay wasiirka caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa u dhignaa sidan.

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0171/092011 ku Magacaabay Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan-yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:         Qodobada 8aad, 22aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada

                                    Somaliland

 

Markuu Arkay:         Talada Golaha Guurtida JSL, ee ku suntan Ref:         GG/JSL/52/032011 kuna taariikhaysan 19/02/2011, ee nuxurkiisu yahay in guddi midaysan oo ka kooban saddexda Gole (xukuumadda, wakiilada iyo Guurtida) loo saaro arrinta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda,

 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo sugitaanka xuquuqda siyaasadeed ee   haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay,

 

Markuu Aqoonsaday:                   In ay haweenku yihiin hal-bawlaha bulshada iyo muhiimada ay u     

                                              leeyihiin horu-marinta qaranka.

 

Wuxuu go’aansaday Madaxweynuhu

 

In uu Magacaabo Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda, Gudidaas oo ka kooban 9 xubnood, oo kala ah:

 

  1. Xuseen Axmed Caydiid,   Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
  2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed          Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha &

                                                     Dalkxiiska

  1. Cali Cabdi Saa’iq    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, G & Gaadiidka
  2. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere)
  3. Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
  4. Xil. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
  5. Xil. Muxumed Aw Axmed X. Aadan
  6. Amaal Axmed Miisaan,      La Taliyaha Madaxweyne ee Arrimaha Haweenka
  7. Axmed Muxumed Madar, Gudoomiyaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa

                                              iyo  Ilaalinta Dawlad Wanaaga

 

 

Hadaba, marka aad deristaan ka dib waxan idiinka rajaynaya in aad ii soo gudbisaan tala dhaxal-gal ah oo Golayaasha Qaranku ku go’aan qaadan karaan, iyadoo la waafajin doono shuruucda dalka.

Waxaan jecelahay in aad kusoo dhamaysaan muddo 3 toddobaad.

Leave a Reply