Madaxweyne Silaanyo Oo Sheegay Inuu Dedaal U Geli Doono Xidhiidh Dhexamara Somalilad iyo Carabta Oo Kala Tagsanaa

0

Kuwait -(Berberanews)- Dunida carabtu waxay ka go’nayd Somaliland sidaa Awgeed ay lagama maarmaan tahay in aynu xidhiidhkeena noolayno oo aanu kulamo la yeelano wadamada Carabta sida Kuwayt iyo Isu-tagga oo aanu soo maarnay intaanan halkan iman taasi oo keliyana kaga hadhi mayno dedaalkayaga ee waanu sii wadi doonaa oo waxa aanu isku deyi doonaa in aanu xoojino Xidhiidh Qoto dheer oo inna dhex-mara inaga iyo Carabta.


.”sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo la hadlay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kuwait oo xalay casho sharaf u sammeeyay weftiga Madaxweynaha.

Waxa kale oo kulankan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo jaaliyadda uga warramay siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumadda iyo sida ay haatan beesha caalamku ugu soo jeedsatay Somaliland, Markaa ka dib Af-hayeenka Madaxtooyada Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir ( Cukuse) ayaa isaguna waxa uu jaaliyadda faah-faahin ka siiyey duruuftii ay Somaliland ku sugnayd markii ay xukuumadda cusub talada dalka la wareegtay iyo waxa ay xukuumaddu qabatay mudadii ay jirtay.

Madaxweynaha Axmed Silaanyo waxa uu ka jawaabay su’aalo badann oo jaaliyaddu ka waydiiyeen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo ku-talo-galka xukuumadda.

Gudoomiyaha jaaliyadda iyo haldoor kale oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaashii kulanka ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay fursada uu siiyay jaaliyadda reer Somaliland ee Kuwait inay nasiib u yeeshaan la-kulanka Madaxweynaha.

Gebogebadii waxay Jaaliyaddu gudoonsiisay Madaxweynaha bilad aan Somaliland nooceeda hore loo bixinin taasoo ay ku sheegeen inuu ku mutaystay waayihiisii taariikheed iyo halgan.

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland