Madaxweyne Silaanyo oo Wasaaradda Caddaalada ka qaaday maamulkii iyo miisaaniyadii Maxkamadaha

0

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha hoose ee dalka ka hoos-saaray Wasaaradda Cadaaladda oo ay hoos-tegi jireen, isla markaana Maamulkooda iyo Miisaaniyaddoodaba hoos-geeyey Maxkamadda Sare, ka dib markii ay Masuuliyiinta Maxkamadaha hoose cabasho ka gudbiyeen Wasaaradda Cadaaladda ee maamulaysay ee ay ku fashilantay hagiddooda.

Waxaa sidaa lagu sheegay Wareegto Madaxweynuhu Maanta soo saaray, taasoo uu Warbaahinta u kala diray Afhayeenka Madaxtooyada, ayuu Madaxweynuhu in uu go’aankaas gaadhay, ka dib markii ay gaadheen cabashooyin ay Hawl-wadeennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha hoose kaga cawdeen Wasaaradda Cadaaladda ee ay Maamul ahaan iyo Miisaaniyad ahaanba hoos-tegi jireen, kana hoos-saaray oo uu Maxkamadda Sare ku wareejiyey, isaga oo u cuskaday qodobbo kala duwan oo Dastuurka ku jira.

Wareegtadaas oo uu Hay’ado iyo Masuuliyiin kala duwan qaarna ku socodsiiyey, qaarka ogeysiin ku siiyey, sidoo kalena Masuuliyiin iyo Hay’ado kala duwan ku amray, waxaa  Nuqul ka mid ah oo  u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017 uu Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawlgala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyey Maxkamadda Sare ee JSL, Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, magaca Wasaraadduna uu noqon-doono; ‘Wasaaradda Cadaaladda JSL.’ Sida uu dhigayo Qodobka 106-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha JSL: Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Ku:      Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Ku:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Og: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Og:     Xubnaha Guddida Cadaaladda, Og:     Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada;                                                              

Ujeeddo: Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda                              Maxkamadaha Hoose. Mudanayaal iyo Marwo, Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo 108aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr. 24/2003;

Markaan Arkay: Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda             Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka          madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;

Markaan  Arkay: Qoraalka summadiisu tahay MS/GMS/G-7/69/2016 ee ku taariikhaysan 27/01/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27/01/2016;

Markaan Arkay: Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee summadiisu tahay MS/GMJ/G-18/27/2016, ee ku taariikhaysan 21/02/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;

Markaan Ogaaday: In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47/1996 kaas oo ka horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu tahay TIX/XGGQ/X/H/138/2016, kuna taariikhaysan 20/12/2016, ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka;

Markaan Tix-geliyey: Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba Guddoomiyeyaasha                                 Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku hayso; Waxaan soo saaray;

  1. In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka. 2. In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawlgala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare, nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/2003.
  3. In magaca Wasaraadduna uu noqdo ‘Wasaaradda Cadaaladda JSL’, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda in uu si dhammaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee dalka.

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqangeliyaan Wareegtadan, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. ALLAA MAHAD LEH.”