Madaxweynihii Koonfur-galbeed ee Somalia oo iscasilay

0

Baydhabo(Berberanews)Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheeikh Aadan ayaa xilka iska casilay kaddib markii maanta uu kulamo magaalada Baydhabo kula qaatay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka arrimmaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa iscasilaaddiisa ka sheegay shir jaraa’iid uu maanta ku qabtay magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa xilka si ku meelgaar ah ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdul qaaadir Shariif Sheekhuna oo sii hayn doono xilkaasi ilaa laga soo doorto madaxweyne cusub uu maamulkaasi yeelan doono.

Maamulka Koonfur Galbeed waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagnayd xiisaad siyaasadeed kaddib markii ay iscaliseen qaar kamid ah saraakiisha ugu sarreyso guddiga doorashada.

Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waday in la qabto 17-ka bishan Oktoobar.

Golaha Dhaqanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in dib loo dhigay doorashadii madaxweynaha maamulka kadib markii ay shir jaraa’id ku qabteen Baydhabo.